Somalia: Cilmi-baadhis Awoodii Qaybtii 26aad ee Ciidankii Qaranka Soomaaliya

Hargeisa (HAN) May 10, 2014 – By, Osman Abdillahi Sool. Weekly Security and Defence Analysis. Taariikhdu waxbay Hagtaa dadkuna wuu haybiyaa….Waa lagama maarmaan in wax laga ogaado wixii tegay ee Taariikhda galay. Dhalinyarada iyo Jiilka soo kacayana lagu baraarujiyo oo la baro wax yaalihii keenay Halaagii, Xasuuqii iyo burburkii Somaliland iyo Somalia ka dhacay.Ciidankii Somalia ee la aasaasay markii Somalia Xornimada qaadatay, waxa ujeedadiiso ahayd in uu Difaaco dalka iyo dadkiisa, laakiin nasiibdaro waxa loo adeegsaday oo lagu xasuuqay dadkii uu difaaci lahaa.

Baadhitaan dheer iyo raad raac taariikheed oo aan sameeyey ayaan ku ogaaday qaab dhismeedkii iyo qaabkii loo istimaali jiray awoodii ciidan ee Qaybtii 26-tanaad.
Qaybtii 26-tanaad waxay ahayd ta ugu balaadhan uguna awooda badan Ciidankii Somalia. 1960 ilaa 1990 oo ah muddo 30 sano, Taliskii sare ee Qaybta 26-tanaad waxa iska kala bededdelay Saraakiishan hoos ku qoran.

1-General Jaamac Aw Muse Samater (Majeerteen)
2-General Mohamed Ali Mire…………….(Majeerteen)
3-General Muse Xasan Abdulle…………(Ogaadeen ) – Safiirka Hatan Somalia u fadhiya Rome
4-General Cismaan Saalax C/karim….(Majeerteen)
5-General Yuusuf Ahmed Salxaan……..(Gabooye ka soo jeeda  degaanka majeerteeniya)
6-General Siciid Farax gooje…………….(Mareexaan)
7-General Mohamed Xaashi Gaani…..(Mareexaan)
8-General Mohamed Siciid Morgan…..(Majeerteen)
9-General Ahmed Warsame Mohamoud…(Mareexaan)
10-General Mohamed Hussein Daa’uud (Awrtable)
11-General Cismaan Sheikh Cali Badmaceeye (Hawiye..Abgaal)

Marka loo kuurgalo lana qiimeeyo haybta saraakiisha iska beddeshay Taliskii Qaybtii 26-tanaad ilaa sanadkii 1960-kii, waxa si cad kuugu soo baxaay in Quwaddii ciidan ee Qaybta 26-tanaad lagu jaheeyey Cabudhinta iyo xasuuqa Qoomiyada Reer Somaliland. Taliska Qaybta ayaa ahaa mid u xidhan *monopoly* Saraakiil Beel kaliya ka soo wada jeeda, taasina waata keentay kacdoonkii ay Reer Somaliland ku diideen Kaligood-tali-yaashii ka soo jeeday koonfurta Somalia.

Sidee ayuu ahaa qaab dhismeedkii Qaybtii 26-tanaad?

Hargeysa waxa ahaa xarunta taliska dhexe, saadka, keydka hubka & Rasaasta Cadaadley,hawlgalinta,Gaadiidka,Ururka Koofiyadcasta iyo Hangashta, Maxkamada Ciidanka iyo Xarunta Caafimaadka ee Ciidanka. waxa jiray seddex gaas oo kala ahaa:
Gaaska1-aad fadhigiisu ahaa Boorame.
Gaaska 2-aad fadhigiisu ahaa Hargeysa.
Gaaska 3-aad fadhigiisu ahaa Burco.

Fiiro gaar ah Dagaalkii ku dhex-maray Ciidamadii Xaq-u-dirirka SNM iyo Kuwii Siyaad Bare u dagaalamaay Magaalada Burco 27-kii May 1988, ka dib Gaaskii 3-aad waa la balaadhiyey, waxaana laga dhigay Qaybta 27-tanaad, waxaana taliyey looga dhigay Cabdicasiis Ali Bare.

Waxa kale oo taliska Qaybta 26-tanaad si gaar ah u hoos imin jiray….

1-Guutada 4-aad ee Madaafiicda Hargeysa.
2-Guutada Gantaalaha Hargeysa.
3-Taliska Ciidanka Cirka Hargeysa.
4-Guutada Taangiyada ee Benderwanaag.
5-Saldhiga Berbera ee Cirka-Dhulka & Badda.
6- Wershedda kabida Hubka ee Hargeysa.
7-Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Mandheera.
8-Dugsiga Tababarka ee Dararweyne oo lagu tababari jiray dadka Qaxoontiga ah oo qaab qabiil loo soo xulay.
9-Dhamaan Askarta ilaalisa baraha kontoroolada oo u badnaa koofiyad cas iyo Hangash.

Waxa iyana jirtay Guutada 24-tanaad oo fadhigeedu ahaa Hargeysa, Guutadaasi wey ka madaxbanaanayd Gaaska 2-aad, waxayna toos u hoos tegi jirtay Taliska dhexe ee Qaybta 26-tanaad. Guutadaa 24-tanaad  oo shaqadeedu ahayd Xasuuqa iyo dhaca hantida shacabka waxa ku mataanaysnaa Ururka Beebeeyada oo Xeradiisu ku taalay Rugta Xaraf.

Seddexda Gaas waxa kale oo hoos iman jiray guutooyinka kala ah:
Guutada Beer.
Guutada Oodweyne.
Guutada Goryacawl.
Guutada Lug-haya.

Ururada iyo guutooyinka kaydka ah iyaga tiro lagumo koobi karo, waxa kale oo qaybta 26-tanaad si dadban u hoos tegi jiray taliskii Hangash-ta oo xaruntiisu ahayd Hargeysa, balse xafiisyo ku lahaa degmooyin badan, markii dagaalkii SNM bilaabmay waxa ku dhacay Quwadii 26-tanaad jaahwareer iyo burbur baahsan, waxay u babac dhigi kari waayeen Weeraradii Jabhadii SNM ee Xaq-u-dirirka ahayd. Jabhada oo si niyad iyo mintidnimo ah u dagaalamaysay ayaa muddo laba sano ka yar ku curyaamisay Qaybtii 26-tanaad iyo waliba Gurmadkii joogtada ahaa ee ay ka helaysay Taliskii Xarunta Ciidanka ee Xamar.

Guud ahaan Ciidankii Somali National Army gaar ahaan Qaybtii 26-tanaad, waxay Degaanada Somaliland ka gaysteen Xadhig, Jiidh dil, Dhac, kufsi iyo Xasuuq bahaasan oo ay ku naf waaeeyeen dad ka badan 100,000 oo qof, *Missing People*Dadka aan raq iyo ruux midna aan la haynin meesha ay ku danbeeyeen waxa lagu qiyaasaa 15,000 oo Qof. Qaxoontiga iyo dadka la barakiciyey waxa ay gaadhayaan 1 million, kuwaas oo wali daadsan Dunida dacaladeeda. Hantida la dhacay iyo ta la burburiyey waxa iyana ay gaadhaysaa in ka badan 100 billion US dollar. Gacan-ku-dhiiglayaashii Danbiyada laxaad ka leh gaystay wax Hormood ka ah Mohamed Ali Samater iyo Mohamed Siciid Morgan oo wali aan Maxkamad Sharciya la soo taagin.

Waxa Soo Diyaariyey: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

The latest updates Follow twitter.com/GeskaAfrika

Geeska Afrika Online (1985 -2014) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 20 Years.

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2014), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link