Somaliland: Siilaanyo "Ku biiri meyno Soomaaliya, heshiiskasna ma jiro"

Hargeysa (HAN) July 8, 2015 – Weedh Siyaasadeedka Maanta iyo Xisbiyada Soomaliland.
Soomaaliland ayaa meesha ka saaray inuu jiro heshiis burinaya qorshihii ay ku doonayeen inay Soomaaliya ka go’aan oo ay noqdaan dowlad madaxbanaan,sida waxaa sheegay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliland.

Qoraallo sir ah oo u dhawaan baahiyay webseedka Wikileaks ayaa muujiyay heshiis qorsoodi ah oo ay xukuumadda hadda ka talisa Soomaaliland ku doonayso inay ugu biirto dowladda dhexe ee Soomaaliya,balse been abuur ayuu maamulka uga jawaabab xogta.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliland,Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka jawaab celiyay sirta uu soo bandhigay webseedka Wikileaks ,waxuu sheegay in ka shaqsi ahaantiisa uusan Dowlada Somalia la galin heshiis dhigaaya in Maamulka Somaliland lagu biiriyo Somalia inteeda kale.
Waxa uu sheegay in xiliga la sheegay inuu dhacay heshiiska uu isaga ahaa Wasiirka arrimaha dibada waxa uuna beeniyay inuu saxiixay qoraal suuragalinaayo in Somaliland ay qaadatay fakirka ah inay la midowdo Somalia, islamarkaana Somaliland ay hoosgeyso Dowlada Somalia.

“Waxaan Cadaynayaa intii aan wasiirka ka ahaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo in aanuu jirin heshiis aan la galay Somalia iyo Puntland toona, wadahadalada aan ka qayb galaynay waxay ahayeen kuwii u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland. waan maqlay warbixinada uu ninka la yiraahdo Xirsi wasiirka madaxtooyada warbaahinta ku faafiyay waa gar darro, khalad ah,”ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliland.
Hadalkan waxuu yimid,kaddib markii garabyada mucaaradka Somaliland ay aamineen qoraalka kusoo baxay webka Weakleaks oo inta badan ku baahay caalamka intiisa kale.

Arrintaani ayaa shaki cusub ku dhex abuurtay Maamulka Axmed Siilaanyo iyo dadka shacabka oo dhinac ah, waxaana isa soo taraayo wararka la xiriira heshiiska dhigaayo in Maamulka Somaliland ay la midoobeyso Dowlada Somalia.
Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ka dhacay kulamo loogu garqaadayo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi iyo Xirsi oo ah wasiirka madaxtooyada oo isagu lagu dhaliilaayo inuu faafiyay warkaasi lagu soo dabacay Weakleaks.


 

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link