Somaliland: Faysal Cali Waraabe (UCID) iyo Weedh Siyaasadeedka Maanta ee Geeska Afrika Online

Hargeysa, Somaliland (HAN) March 18, 2014 – Faysal Cali Waraabe Gudoomiya Xisbiga UCID oo maanta dib ugu soo noqday magaalada Hargeisa ayaa Arimo Badan Daboolka ka Qaaday. Ugu Horayn wuxuu ka hadlay Safarkiisa, Dalalka Ethopia, Kenya & Tanzania, Waxyaabihii uu kala soo Hadlay, Wuxuuna sidoo kale Ka hadlay Arimaha Dalka soomaliya iyo Dagaalada Haatan socda.

Faysal Waraabe ayaa Sidoo kale Shaaciyey Dacwad uu ka gudbiyey HogaamiyahaMaamulka Garoowe Cabdiwali Gaas Wuxuuna markale Sheegay inuu Tumayo Durbaan qabiil. Wuxuu Sidoo kale ka hadlay Booqashada Axmed Siilaanyo dhowaan ku tagay Degmada LAAS-QORAY Isagoona Siilaanyo Canaan kala dul dhacay.

Ugu danbaynta ayaa Faysal cali Waraabe Siwayn uga Xanaaqay Su’aal uu waydiiyey Wariye Kamida Saxafada magaalada Hargeisa, Wuxuuna markaasi Bilaabay hadaladii lagu Yaqaanay isagoona sheegay in Siilaanyo marka Waqtigu ka dhamaaday Maamul Kumeel gaadha ay Dhisi Doonaan.

Sources: HAN & Geeska Afrika Online (1985-2014), The oldest free independent Free Press in  the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including  Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara,  Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations  in the Middle East and East African regions. Contact at  news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link