Somalia: Taliyihii Daraawiishta Puntland ee Gal-gala oo Al-Shaab Toogteen

Garoowe (HAN) March 18, 2014 – Galabnimadii maanta ayaa qarax miino lala beegsaday gaari ay wateen Ciidanka Difaaca Daraawiishta ee Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afgudud) oo saarna gaadhiga.
Taliyaha ayaa dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, waxaana markii dambe uu ku geeriyooday isbitaalka Bosaaso. Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegaaya in taliyaha toogasho lagu dilay.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay ilaa saddex askari oo la saarnayd gaariga oo qaraxa lagula beegsaday duleedka magaalada Bosaaso gaar ahaan aaga tuulada Yalho.

Weerarka ayaa u muuqday mid gaadmo ah, waxaana taliyaha uu ka ambabaxay magaalada Bosaaso isagoo kusii jeeday aaga Galgala sida la sheegay.

Dowladda Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadaan iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay qaraxaan balse loo badinaayo kooxda ku jirta Buuralayda Galgala oo ay Ciidamada Puntland marar badan dagaalameen. Waxaana maanta Afhayeenka Shabaab ee Cali-sheere sheegtay dhagartaa inay iyagu kadanbeeyeen.
Wixii kusoo kordha waan soo gudbin doona.

Wariye Muno Abduqaadir


Sources: HAN & Geeska Afrika Online (1985-2014), The oldest free independent Free Press in IGAD region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link