Somalia: Dr.Abdurahman Baadiyow iyo Weedh Siyaasadeedka Maanta ee Geeska Afrika Online

Nairobi (HAN) March 18, 2014- Midnimo waa hiraalka (vision) ugu baahi badantahay Somaalida maanta. Midnimada aragtida ayay ka bilabataa. Gaar ahaan, waa in la isla helaa hiraal mideynaya, iskuna dheelli-tiraya fahamka Islaamka oo marjac ah, qaba’ilka aan ka dhalanay oo xaqiiqo ah iyo dawladnimada aan dooneyno oo lagama maarmaan ah.

Inta badan, ruuxa Somaaliga ah waa hawlkar, waa fahma-badanyahay, waana firfircoonyahay. Waxey ila tahay dadka dhaqankaas leh iney sameyn karaan dawlad wanaagsan, haddii ay helaan hiraal (vision) iyo hogaan wadareed ( collective leadership).

Hadab: Ma rabno inaan ku noolaanno dacma-hoorsiga beesha caalamka iyo sadaqada samafalka; ma dooneyno inaan qaxooti ku noqono wadamo dad kale leeyihiin; waxaan rabnaa inaan dalkeyna kula noolaanaano sharaf iyo barwaaqo.

———-
Sources:  HAN & Geeska Afrika Online (1985-2014),  The oldest free independent Free Press in IGAD region, brings together top journalists from across the Horn of  Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya,  Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news  organizations in the Middle East and East African regions.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link