Mogadishu (HAN) April 14, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo weerarkii Xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Mogadishu. Weerarkii Xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo ku taala Isgoyska Zoope ee Degmada Hodan ee Magaalada Xamar, ayaa waxaa weerarka uu ku bilowday gaari miinaysan oo qarxyo laga soo buuxiyay, waxaana alaabka danbe ee gudaha daqiiqado ka dib ugalay xubno ka tirsan Ururka Gummadaka Ummada Somaliyeed ee Al-Shabaab.
Ciidamada Xogga dalka Soomaliyeed iyo Amisom, ayaa gumaaday Shan ilaa Lixdii, katirsanaa Ururka Gummaadka Ummads Soomaliyeed oo sida la sheegay ka masuul ahaa weerarkaasi, waxaana meydadkooda laga soo daadgureeyay Xarunta Wasaaradda. Xarunta oo saldhig u ah, laba wasaaradood: Wasarada Tacliinta iyo Batroolka, ayaa dhamaan masuuliyiintii aanay waxba ku noqon; dadaalka Ciidamada qalabka Sida aawadeed.
Saddex askari, oo katirsan XDS, ayaa la sheegay in weerarkasi lagu dilay, oo jannadii tageen, halka, askari ka tirsan Ciidamada Onkod ee Nabad Suggida, askari Amisom ka tirsan iyo Taliyihii Ciidanka Ilaalada ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, oo magaciisa lagu sheegay Sandheere, ay ku dhaawacmeen.
Sagaal ruux oo rayid ah, oo ahaa, dadka wadada wax ka iibsanayay, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyooden qaraxii gaariga loo adeegsaday, halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen.

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com
Leave a Reply