Somali: Danta Diplomasiyada Boqortooyada Norway Haatan ka leedahay Soomaliya

Mogadishu (HAN) March 21, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo Danjiraha cusub ee Boqortooyada Norway, Ambassador Victor Conrad Rønneberg.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey danjiraha cusub ee Boqortooyada Norway u fadhin doona Soomaaliya, Daljire, Victor Conrad Rønneberg.

Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga mahadceliyey talaabada ay danjirahan cusub ugu soo magacawdey Soomaaliya , oo uu sheegay inay sii xoojin doonto xidhiidhka labada wadan ee saaxiibka ah:

“Aad ban kugu soo dhoweyneynaa dalka, waxaana kuu xaqiijinayaa in iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn intaba aad ka heli doonto Soomaalida. Waxan kale oo aan Norway uga mahadcelinayaa taageerada ay nala garab taagan tahay oo muhiim u ah dib u dhiska dalkeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale danjiraha uga warbixiyey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada, horumarinta iyo adeegyada bulshada, isagoo xusey in wax badan la qabtey, waxyaabo kalena ay dhiman yihiin.

“Waxyaabo badan ayaa inoo qabsoomey , waxaana haatan ku jirnaa diyaargarowga sidii loo dhaqan gelin lahaa Hiigsiga 2016 , oo ay inaga go’an tahay inaan fulino.’’

Danjiraha cusub ee Norway daljire Rønneberg ayaa isna kulankaasi ka sheegay in Norway ay sii kordhin doonto taageerada Soomaaliya, isla markaana uu jiro qorshe cusub oo Norway ugu talagashey barnaamijyada kala duwan ee horumarinta ee Soomaaliya lagu taageerayo.

“Imaanshahayga Muqdisho waxaa uu ka tarjumayaa sida aan u dooneyno balaarinta iskaashiga aan la leenahay Soomaaliya. Waxaan idin ka taageeri doonaa maareynta kheyraadka, xirfadaha kala duwan ee maamul wanaagga iyo dhinacyada farsamada, iyo weliba nabadgelyada iyo wax wada qabsiga”.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Photo: Ambassador, Victor Conrad Rønneberg, Norway


 

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link