Sirdoonka Ethiopia iyo Sababtii Dr. Cali Khaliif looga saaray Addis Ababa

Addis Ababa (HAN) November 05, 2014 – Weedhaha diplomasiyada iyo saamaynta Amniga gobolka. By. Faisal Roble. Sadexda qaybood ee iigu laaban warbixintaydii koobnay eek u saabsaneed socdaalkii aan Addis Ababa ugu tagey si aan uga qayb galo shire waynihii ku saabsanaa arimaha federalimska Xalka Soomaaliyaiya, waxay kala yihin sidatan:

Dr. Cali Khaliif  (isaga oo ahaa Prime Minister, Wasiir hore, Xildhibaan hore, Scholar Geeska Afrika mudo magac ku soo lahaa, hadana ah Madaxwaynaha dawlada aan wali lagu aqoonsan Axdiga Kumeelgaadhka ah ee Soomaaliaya) waxa Itobiya looga saaray wax fudud ma aha.  Ethiopia, Sirtoodu waa sugantahay teenuna waa sahlantahay.

1. Saritaankii Dr. Cali Khaliif laga saaray Itobiya,
2. Isqabsigii ugu dambeeyey eek a dhacay M/waynaha iyo PMka xiligii aan joogay Addis Ababa, iyo murtida ama murti laanta ka dambaysa
3. Jawiga Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida aya dadka u wada dhaqmaan – waa saaxiibo hadana kala socda – Rajo ama rajo la’aan, iyo la kulanykaygii President Gaas.

Aan ku bilaabo waqcadii ku dhacday Dr. Cali Khaliif, M/waynaha Khaatumo. Dr. Cali waxa uu Addis Ababa so galay galinkii dambe ee Arbacadii (Oct. 22, 2014) halkan aan anigu ka soo galay isla Arbacadaas saacda aroornimo ee Addis markay ahayd 7:00 AM. Waxaan ku tala jiray in aan maalinta Khamiista oo shirku bilaabmayey aan booqdo ama madagta shirkaba aan Dr. Cali isku aragno (Cali waxaan bartay 1991, markaanu aasaasnay Somali Peace Consultation, ama Ergada Wadatashiga Soomaaliyeed). Dr. Cali arimaha cakiran ee Khaatumo/Puntland bal in aan fakir aan barihore kala hadlay ayaan rabay in halkii aan kasii wadno.

Hase ahaatee isla habeenimadii Arbacada ayaa anakoo dhowr qof ah waxa lanoo sheegay in dawlada Itoobiya amar kama dambyn ah ku bixisay in Dr. Cali sida ugu dhakhso badan kaga baxo wadanka, ugu dambyn bari aroorta. Telephoona badan oo isla markiiba uu diray Ambassador Ahmed AbdiSalaam, oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa meel fog magaadhin. Runtii Ambassador Ahmed inta karaankiis waa dadaalay in gunta uu ugu dago arinkan, hase yeeshee darbiyo culus oo cayn nabad sugid ah ayaa ka hor yimid
Xaqiiqada Dr. Cali Loo Saaray

Xaashi ku amraysa Dr. Cali in uu aroornimada Khamiista kabaxo Addis ayaa looga keenay xaffiska sirta ama securitiga dalka Itobiya. Dr. Cali oo daganaa hotelka Caalimiga ah Inter-Continental ayaa arin lama filaani ku timid shirkoon bilaabmin kahor. Arin amkaag iyo argagax keenytay ayay arintaasi nagu noqotay.
Waxa masuuliyiin badan uu ka midyahay Ambassador Axmed AbdiSalam, Dr. Cali Ciise oo qaban qaabiyey shirka isku dayeen in ay ogaadaan sababta masuulkan looga saarayo dalka. Waliba intaa waxaa dheeraa in dadka shirka ka soo qaybgalay oo dhan ogolaansho mar hore la siiyey. Liiska dadka ka qaybgalya labo usbooch ka hor ayaa la ansixiyey in ay Itobiya soo gali karaan, Dr. Calina liis kaas ayuunbuu halka hore kaga jiray. Waxase si lama filaan ah loo saaray Dr. Cali gunteeda waa lagaadhi waayey.

Suaashu waxay tahay Dr. Cali maxaa looga saaray dalka? Waliba xisaabta ku darsoo dhawr jeer buu Cali dalka Itobiya hawl u yimid. Mararka qaarkoona waxaabu siimaray Jigjiga isagoo la xaajoonayey masuuliyiinta iyo madex dhaqameedyada Dawlada Qawmiyada Soomaalida.
Xaqiiqada iyo Mala awaalka arinkan.

Maxa dhacay? Maxaa ingu soo biiray oo hada cusub? Shan sababood ayaa hada la isla dhex marayaa. Maxaa ka run ah, maxaase been abuur ah:

• Arimo Nabadgalyo: Dr. Cali waxa uu Itoobiya kusoo galay si caadi ah, waxayse itoobiya rabtay in uu iska soo hormariyo farrin si Brotakool iyo ilaalo gaar ah loogu diyaariyo. Qolyaha arinta aaminsani waxay iska dhaadhiciyee in ay Itoobiya tidhii security arrangement kuumaanaan samayn ee bax hada, wadankana noo dhaaf…

• Anno Hore: Dr. Cali bariguu Prime Ministerka ahaa ayuu itobiya si kulul ula dhaqmay ayaa dadyawga mafrashyada mala awaalku ku badan yahay ka soo booday. Arinkaas meel fog magaadhin, oo waxa la sheegay in Cali intaa ka dambi xidhiidho waxan Itoobiya la yeeshay. Tan mid kale oo la xidhiidha ayaa iyana la sheegayaa: si diplomasi ku ma uu soo galin dalka ayaa iyana la sheegayaa.

• Somaliland iyo Puntland baa ka dambeeyey: Mala awaalka sadexaad wax uu odhanayaa sidatan: Soomaaliland iyo Puntlaand ayaa ka dambeeyey oo Cali dacweeyay. Markii aanu maqalnay in Dr. Cali wadanka ka bax layidhii, isla markiiba sheeko-Soomaali ayaa magaalada Addis Ababa la isla dhex maray. Mareegta Hiiraan ayaa qortay in masuuliyiinta labadan maamul ka dabeeyiin waqcada masuulkan kaga timid xaga dawlada itobiya. War wax kama jiraan ah weeyaan! Goobta shirka wargaysyadani maanay joogin, ee warka waxay ka soo qaateen mafrashyada Soomaalida oo inta badan nuxurka arintan aan ka war qabin.

• Siyaasad aanu Fasax u haysan: Mala awaalka labaad oo ah in Cali rabay in uu Addis Ababa kula kulmo madaxda xisbiyada mudiciga ah ee kasoo jeeda Soomaaliland oo xiligaa ku sugnaa Addis Ababa. Waxa mala awaalkani sheegayaa in isaga oon Dr. Cali ka fasax qaadan dawlada uu martida u ahaa in uu rabay in arin siyaasadeed oonay Itobiya ansixin Addis Ababa ka bilaabo.

Run weeyaan in rar xisbiyada mucaaridka ee Soomaaliland joogeen magaalada, waliba warar sugani sheegeen in sadexda sixbiba xubnaha ugu tun wayni jooga magaalada. Hase ahaatee wax xaqiijinaya in Dr. Cali rabayn in uu xubnahaas la kulmo wali lama hayo. Isagana laga ma maqal. Tolow ma sirdoonka Itoobiya ayaa kawar helay dabadeena ishortaagay? Ma Cali baa dad gaar ah arintan la wadaagay? Mal awaal waxa aan ahayn wali war sugan ka mahayno. Cali la saar sirtuna wali qarsoon.

• Mala awaalka shanaad waxa uu sheegayaa in Khatumo movement oo uu Dr. Cali madax wayne kayahay lagu tunhmoy argagixisada Al-shabab in ay xidhiidh siyaasi ah la laadahay. Arinta waxa warbixinteeda joogtada ah u qortay hayada kormeerka ah ee Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya iyo Erititiya u xilsaareen. Reportigii ug dambeeyey (October 2014) ee hayadani qortay waxa ay si waafi ah u tibaaxeen in xidhiidho tuhum iyo xaqii ahiba dhex mareern xubno Al-Shabab iyo Xisbul-Islam uu madax kayaha Dahir Aways. Waxa reportigu isku soo qabanayaa Dawlada Xasan Sheekh madaxa ka yahay oo Khaatumo si buuxda u taageerta si ay u wiiqiso Puntland, rag Al-Shabab iyo Xisbul Islam ku jira oo rerka Khaatumo ugu badan hayb ahaan ka soo jeeda iyo madax Khaatumo ka tirsan sida Indha Sheel oo kale (Indha Sheel hada Maraykan buu ku suganyahay). Arimahan maxaa ka run ah, maxaase mala awaal ah (conjecture) waa, sida Soomaalidu ku hal qabsato “sua’al inga da’wayn oo maskada daalinaya.”

Tifatir

Maxaa war iyo wacaal ka run ah arinta Dr. Cali Khaliif ku dhacday? Prime Miniter Towdros oo shirka federalismka Soomaaliya ee meesha loo tagay ka hadlay, Mohamed Afay, xooghayaha guud ee daowlado Goboleedka Geeska Africa ee IGAD oo qayb tilmaaman kaga jiray shirka iyo Dr. Cali Ciise , qaban qaabiyaha shirka federalismka Soomaaliya, oo mar la sheegi jiray in ay Prime Ministerkaa hore ee Meles Zenawi ay saaxibo ahaan jireen, ayaa arinkan laga la hadlay.
Anigu lamaa hadlin Prime Minister Towdros, lakiin shaqsiyaadkii u tagay ee arinkan lasoo hadal qaaday waxa uu ugu jawaabay “waa arin aminka dalka ku saabsan war hoosaadna kama hayo,” ayuu ku jawaabay. Anigu shaqsi ahaan Ambassador Afay waan lasoo qaaday arinkan. Isaga ruuxiisu war qoto dheer uu arinkan ka hayaa majirto. Dr. Calina inta dadka Soomaaliyeed ka ogyihinn macluumaad kabadan ma hayn wakhtigii shirka lajoogay.

Intaa waxaa ii-dheeraa in aan isku dayey bal in aan meelo kale wax ka ogaado. Laba Wasiiro iyo laba Ambassador oo Itoobiyaan ah oon aqoon gaar ah u lahaa iyo nin aad ugu culus arimaha Itobiya ayaan wax ka waydiiyey arintan Dr. Cali Khaliif. Naclaa naga tahay (wax war iyo wacaal aan ka ognahay majirto) bay intuba iigu jawaabeen.

Sir doonka Itoobiya iyo Adakaysigooda

Arintan murugsani ee la inoo diiday in aan wax ka ogaano waxay ina tusaysaa laba arimood:

1. Waxa Dr. Cali looga saaray Addis Ababa in wax sahlan aanay ahayn, garr ahaan markaad ka fiiriso sida foojigan ee arintan looga dhawrayo in cidkastiba ogaato.
2. In sirdoonka Itoobiya uu u dhaqmayo si professional ah oo heer sare Soomali yar yarna aanay bar yahaa iyo baryaaha fahmi karin. Sirtoodu waa sugantahay teenuna waa sahlantahay.
Dr. Cali (isaga oo ahaa Prime Minister, Wasiir hore, Xildhibaan hore, Scholar Geeska Afrika mudo magac ku soo lahaa, hadana ah M/waynaha dawlada aan wali lagu aqoonsan Axdiga Kumeelgaadhka ah ee Soomaaliaya) waxa Itobiya looga saaray wax fudud ma aha.

Waxa iswaydiinu hada u badantahy tolow ma argagixisada lagu eedaynayo ayaa wax ka jiraan? Maxuuse Dr. Cali, oo ah in secular ah, kolba anigu intaan aqaan, ka faaidii Al-shabab iyo shidadeeda? Mar waxaan is-idhaahdaa siyaasadu waa dhilo (politics is prostitution) e ma meel xun iyo dhax bay la tagtay? Marna waxaan is-idhaah tolow ma qolyahan UN groupka ayaa wax si qaldan u fahmay? Sikastaba ha ahaatee arintani waji gabax iyo waqcad ayay ku tahay geedi socodkii Khaatumo haday Puntland kasii mid haato iyo haday gooni u baxdabo. Xoogage ka soo hor jeeda mabda’ Dr. Cali ku-wado Khaatumo arinka way ku abaari doonaan. Waxase iyana dhici kart in mitidnimo iyo adkaysi umdiisu isla garab taagto. Waxaanse hilmaami ku jirin in Khaatumo waayo cusubi lasoo darsay.


 

The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


 

The latest updates Follow twitter.com/GeskaAfrika

Geeska Afrika Online (1985 -2014) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 20 Years.

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2014), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Sirdoonka Ethiopia iyo Sababtii Dr. Cali Khaliif looga saaray Addis Ababa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link