RA'ISALWASAARIHII HORE, MUDANE ABDIWALI SHEIKH AXMED 00 KU BIIRAY XISBIGA AL-ISLAAX

Nairobi, March 14, 2014 – Wargayska Xog-waran ee dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta Soomaalida. Warar lagu kalsoonyahay ayaa cadeeyay, In Ra’iisul wasaarahii hore, Muddane Abdiwali Sheikh Axmad, uu si qarsoodiya ugu biiray Ururka Al-islaax, horrantii bishii December 2014, muddadii uu loolan siyaasadeedka ugu jiray, in cod kalsooniya uu ka hello barlamaanka Federalka Soomaliyeed. Kulankaa qarsoodiga ahaa iyo ku qancinta fikirkaa, ayaa waxaa ka danbeeyeen Xubnaha iyo hawlwadeennada Xisbiga Midnimo Qaran.

Xidhiidhka labada xisbi (Midnimo-Qaran iyo Madasha Midnimida) ayaa bishii Desember 2014, horaanteedii la sii abuuray, waxaase xoogeeyay in laysku xidho labada aragtiyood, kadib markii Mooshinka kalsoonida loogu diiday ra’iisul wasaarahii hore.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo-Qaran (XMQ) iyo Gudoomiye ku Xigeenka Madasha Midnimida iyo Dimoqardiyada Dr.Abdurahman A Baadiyow iyo Gudoomiyaha Madasha Raisalwasaarihii hore muddane Abdiwali Sheikh Axmed, ayaa shir gaara oo wada tashi ah ku yeeshan Nairobi, si loo soo waddo barnamijyadii qarsoodiga ahaa, iyo balamihii lagu gallay Xamar, si loo sii kobciyo hadafkii Xisbiga Midnimo-Qaran (XMQ).

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya, in xubno katirsan hawlwadeennada Xisbiga Midnimo Qaran ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisu, way walaac ka muujiyeen xidhiidhka Xisbiga Midnimo-Qaran (XMQ) iyo Ra’isalwasaarihii hore, Muddane Abdiwali Sheikh Axmad.

Dhinaca kale, xubno katirsan hawlwadeennada Xisbiga Midnimo Qaran ee uu hogaanka uyahay Dr.Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi “Baadiyow”, ayaa aaminsan in Ra’isalwasaarihii hore, Muddane Abdiwali Sheikh Axmad, uu miisaan siyaasadaysan ku soo kordhinkarro Xisbiga Midnimo-Qaran (XMQ), kullanada Nairobi, Dubai iyo Europe.

Xildhibaan katirsan Baarlammaanka Kenya, Faarax Macallin, Guddoomiye-Kuxigeenkii hore ee Baarlammaanka Kenya, ayaa walaac ka muujiyay, kulamada siyaasadaysan ee ka socda Nairobi,  sheegayna inay lid kuyihiin, dib-usoo noolaynta dawladnimada Soomaliyeed ee ka dhisan Mogadishu.

Xildhibaan Baarlammaanka Kenya, wuxuu kutaliyay in kulamada Siyaasada Soomalida ee Nairobi dhexdeedu wiiqayo oo kaliya, dawladnimada, middnimada iyo qaranimada Soomaliyeed ee kajirta Moqdishu iyo waliba shaqada  laga rajaynayo Ra’isalwasaaraha cusub Cumar Abdirashiid Sharmaarke. Faarax Macallin, Wuxuu aad ugu hanbalyeeyay, Madaxwayne Ismaciil Omar Gheele, oo Haykalkii Maxadka Afka Soomaliga dib ugu soo celiyay Magaalada Xamar, waa astaan tilmaamaysa in soomaalinimada iyo garabyadeeda kala-maqan dib loogu soo celiyo magaalo madaxda Xamar; balse cidkasta oo kulamo siyaasadaysan Nairobi latimaada wakhtigan, ay kamid yihiin, shakhsiyaad hadafkoodu yahay, in lawiiqo Ra’isalwasaaraha cusub Cumar Abdirashiid Sharmaarke iyo rajada ummada Soomaliyeed ee billowga ah iyo bildhaaminta sooyaalka taariikheedka.

Dhinaca kale ee amniga Kenya, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya  Ambassador, James P. McAnulty ee fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa walaac ka muujiyay, kulamada Siyaasiyiinta Soomalida ee Nairobi, oo amni-dari ka abuuri karta guddha dalka kenya, maadaama argagixisadu ay soo beegsan karaan, kullamada bildhaanta u ah dhaqdhaqaaqyada Soomaliya; safiirka oo arrinkaas  amniga kala hadlay kulankii todobaadkii hore uu la yeeshay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska federalka Soomaliya, Muddane,  Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).



 


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link