Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha Amniga

MOGADISHU (HAN) Febraayo 2. 2016 – Public Diplomacy and Regional Stability Initiatives News.  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Itoobiya.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhanka amniga gobolka, labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen muhimadda isku dubbaridka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo bishan dhammaadkeeda ay madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kulan ku yeelan doonaan magaalada Djibouti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya oo haatan ka soo kabsaneysa colaado muddo dheer socdey, ay diyaar u tahay inay iskaashi iyo wax wada qabsi buuxda la yeelato dalalka gobolka.

Ra’iisul Wasaarahe Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo si buuxda u soo kabsatey, gobolkana kala shaqeysa dhinacyada amniga, la dagaalanka argagaxisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee horumarinta.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay ka wada hadleen kulan madaxeedkii shaley dhammaadey ee Midowga Afrika, oo laga soo saarey go’aano wax looga qabanayo xasaradaha qaaradda ka jira iyo ajendaha horumarka Afrika.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socdey labada dhinac, waxaana uu ku soo dhammaadey jawi is-afgarad leh.



hassan iyo hailemarim2
hassan iyo hailemarim4


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link