Madaxweynaha Galmudug oo kormeer ku tagay Xerada Ciidamada ee qeybta 21aad

MOGADISHU (HAN) Febraayo 2. 2016 – Public Diplomacy and Regional Stability Initiatives News. Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay kormeer ku tagay xerada ciidamada xoogga dalka qeybta 21aad ee duleedka magaalada Cadaado, halkaasoo ciidamada si KMG ah u degan yihiin.

Kormeerka Madaxweynaha Galmudug Wasiirka Amniga Galmudug iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay Ciidamada kula dar daarmaan inay waajibaadkooda gutaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ee qeybta 21aad la tayeyn doono, isagoo xusay in dhowaan ay soo booqan doonaan Saraakiishii ugu sareysay ee Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshaha isku dhafka Ciidamada, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada la qalabeyn doono, lana xoojin doono, si ay ammaanka dalka ugu filnaadaan.

Ciidamada xoogga dalka qeybta 21aad ayaa si KMG ah u degenaa duleedka degmada Cadaado, markii xeradooda oo ku taallay Dhuusa Mareeb laga soo saaray, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlusuna.


gu (2)gu (3)gu (4)gu (5)gu (6)gu (7)



 


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link