Ethiopia: Socdaalkii Xasan Sheekh ee Kulankii Sanadguuradii 40aad ee TPLF

Xamar (HAN) February 20, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo Sanadguuradii 40aad ee TPLF, Xisbiga talada haya ee Dalka Ethiopia (Garabka ugu tunka wayn – hoggaminta Ethiopia). Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxda caalamiga ee lagu martiqaadey xuskan weyn ee bilowgii dhaqdhaqaaqa isbeddel doonka iyo dimoqraadiyadda Ethiopia, ayaa sheegay in,

shacabka reer Ethiopia ay dunida u muujiyeen in midnimada horumar lagu gaari karo, isla markaana Soomaaliya ay wax badan kaga dayan karto Ethiopia, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhismaha dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa khudbadda muhiimka ah ee uu ka jeediyey magaalada Mekelle, ka sokow kulamo kooban la qaatey Madaxda kale ee xuskan lagu martiqaadey sida madaweynayaasha Ethiopia,Sudan, Rwanda, ra’iisul wasaareyaasha Djibouti iyo Uganda , iyo Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo noday Mogadisho.

Madaxweynaha Dalka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaa oo uu madaxweynaha mid mid u gacan qaaday.


 

The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


 


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link