Diyaaradda Daallo oo si deg Deg ah ugu Degtay Garoonka Muqdisho, Kadib Dab Qabsaday

MOGADISHU (HAN) February 2.2016 Diyaaradda Daallo Airlines ayaa deg deg ugu soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii uu dab qabsaday, xilli ay hawada ku jirtay, waxaana warar kala duwan ka soo baxayaan waxa sababay cilada.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo muddo nusa saac ah hawada ku jirtay, isla markaana uu dab qabsaday.

Qaar ka mid ah rakaabka diyaarada ayaa sheegay inay maqleen wax qarax u eg, isla markaana diyaarada ay dhinac ka duleelisay

Duuliyihii diyaarada ayaa go’aansaday in uu si degdeg ah dib ugu soo laabto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxana ay diyaaradan soo degtey iyadoo dab ka kacayo mid kamid ah matooradeeda.

Wararka waxa ay sheegayaan in rakaabkii iyo shaqaalihi saarnaa diyaarada ay ka badbaadeen marka laga reebo labo ruux oo dhaawac fudud soo gaaray.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 74 rakaab ah, waxaana ay ku sii jeeday dalka Jabuuti, 70 ka mid ah rakaabka saarna diyaarada ay ahaayeen rakaabkii Diyaaradda Turkish Airlines oo labadii maalmood u baaqaneysay cimilada oo xumeyd iyo dabeylo, sida laga soo xigtay saraakiisha shirkadaas.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in la helay meydka qof ka soo dhacay diyaarad agagaarka deegaan ku dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka deegaanka Dhiiqaaley oo ku dhow Balcad ayaa arkay meydka qof samada ka soo dhacay, kaasoo illaa iyo hada kala cadeyn inuu ahaa rakaabkii diyaarada iyo in kale.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa la sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxa sababay dabka iyo wararka sheegaya in walax qarax u eg laga maqlay diyaarada iyo dhinac ka mid ah diyaarada oo duleeshay.

Sawiro laga soo qaaday diyaarada ayaa muujiyay dalool weyn oo ka muuqday dariishadaha diyaarada, waxaana la ogeyn in waxa ka dhashay inay gudasha yihiin iyo in banaanka wax uga soo dhaceen.diyaarada duleelsamatay

diyada

dalolka1dalolka


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link