somalia central

Ciidanka Militariga Somaliya oo guluf culus ka wada Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay Gobolka Shabellaha Dhexe, ay ka wadeen guluf militari oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ka dib dagaalkii lagu hoobtay ee Axadii ka dhacay Deegaanka Runirgood.

Saraakiisha Militariga Somaliya, ayaa waxay bilaabeen inay culeys wayn saaraan Shabaabkii shalay dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaankaasi.

Dhaq dhaqaaqyadan, ayaa waxaa hogaaminaaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Aadan Axmed, waxaana ku wehlinaaya masuuliyiin uu ka mid yahay Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Taliyaha oo Ciidanka kula hadlay Degmada Cadale, ayaa wuxuu ku bogaadiyay inay si dhab ah ula dagaalamaan mintidiinta Ururka Al Shabaab, ka dib markii uu ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan mustaqbalka dalka.

Taliyaha, ayaa hawlgalkan uu isaga hogaaminaayo ku sheegay midkii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa gebi ahaanba Gobolka Shabellaha Dhexe iyo goobaha kale, ee ay kaga sugan yihiin dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ka dhaqaaqay Degmada Cadale, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay kaabiga u saaran yihiin Runirgood, waxaana saacadaha soo socda suurtagal ah dib inay ula wareegaan.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay halkaasi isaga baxeen, mana jirto cid xilligan gacanta ku haysa, iyadoona ay kulaalayaan Ciidanka Militariga Somaliya.

146221244523ed4.jpg

1462212447377d2.jpg

1462212449763e6.jpg

146221245161957.jpg

146221245313c38.jpg

14622124551d9c9.jpg


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link