Dhanbaalka Weedhaha Diplomasiyada ee Farah Sheikh Abdulkadir

Xamar (HAN) February 09, 2015 – Weedhaha Diplomasiyada iyo Hanbalyada Ansaxinta Xukuumada. Waxaa Qoray, Muddane, Farah Sheikh Abdulkadir.

Hambalyo Madaxwaynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha JFS, Guddoonka baarlamanka, xildhibaanada iyo dhamaan shacabka Soomaliyeed.Waxan ku faraxsanahay in cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay Golaha wasiirada ee Xukuumadda oo ay horyaalaan wajjbaad aad u wayn oo ay ka midyihiin:

Xasilinta dalka, sugidda amniga iyo ladagaalanka argagixisada, hirgalinta dib u eegista dastuurka iyo hirgelinta fedraalka, dib u habeynta garsoorka dalka, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadwaynaha, xoojinta xiriirka caalamiga, iyo dib u soo nooleeynta kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale sameeynta gudiyadda iyo hay’adda laga maarmaanka u ah si loo gaaro hiigsiga 2016 ka.

 

Allaha u fududeeyo dhamaan howlahaas oo aan rajeeynayo in ay ka sii wada doonaan meesha ay hada marayaan wakhtigana uu aad u yaryahay. Macallin Dhoodaan (AUN) waxuu yiri:

“Hayaankaan raraynaana, waa geeddi hawl badane
Dhexda inuu hadhsado kii rabow, waa ban hoolan ahe
Oo kii haro biya ah moodayoow, waa harraad kulule
Oo kii xoola haabhaabanow, kama hodmaysaane
Oo kii hadimo diidayow, waa naftaa huride”


HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link