Somali: Qorshaha Cusub ee Al-shabaab ee Iskudirka Saraakiisha Amniga Qaranka soomaaliyeed

Nairobi (HAN) March 8, 2015– Weedhaha Diplomasiyada Geeska Afrika Online iyo Khalkhal-galinta Amniga Qaranka soomaaliyeed. Wararka sirdoonka Geeska Afrika Online oo lagu kalsoon yahay ayaa ka imanaya, dhinacyada ururka gumaadka ummada Soomaliyeed ee Al-Shabaab, oo imika la soo baxay tabo cusub,
si loo hakiyo dadaalka loogu jiro cidhibtirka iyo daahfurka qaabka ay u fuliyaan hawl-galada isqarxiska iyo xogg-ururinta saraakiisha u adeegaysa qaranka Soomaliyeed soo celintiisa. Contact at news@geeskaafrika.com.

Warar sugan oo Geeska Afrika Online heshay ayaa muujinaya: Hawlaha ay ka dhex-wadaan saraakiisha amniga qaranka dhexdooda waxaana kamid ah:

1- Inay kala shaki galiyaan saraakiisha dhexdooda, iyaga oo isticmaalaya, telefoonadooda, muujinaya inay lacag ugu shubaan (Hormoud), sy ay ugu muujiyaan inay la shaqeeyaan Al-Shabaab.

2- Inay isticmaalaan gabdhaha jidhkooda ka ganacsada ee jooga Kismayo, Xamar iyo Balad-weyne, si loo hello sirta saraakiisha ciidamada nabad-ilaalinta Afrikaanka ah iyo saraakiisha amniga qaranka Soomaliyeed.

3- In xubno ka tirsan Al-Shabaab isu soo dhiibaan dawlada, si been-abuura, si ay u helaan qaabka isgaadhsiinta hay’adaha booliska iyo nabad-suggida; si loo dhagaysto xanta amni-suggid maalmeedka qaranka; iyada oo la isticmaalayo qalab casriya oo Al-Shabaab uga yimid dalka Yemen.

4- Inay laaluushaan Wargaysyada Been-Abuurka ah, ee qora wararka dacaayada (Taploodhiska), si kor loogu qaado naxdinta iyo walbahaarka shacbiga, si aanay u aaminin dawlada iyo hay’adaheeda amaanka sugaya. Kalsoonida shacbiga iyo Dawladana lakala fogeeyo, si aan loo ogaan goobaha ay ku kaydsadaan walxaha qarxa iyo shakhsiyaadka abaabulaya qaraxyada gumaadka ummada.

5- In canshuurta wax-soosaarka iyo bucsharada dadwaynaha sixirkooda kor loo-qaado, si nolosha dadwaynuhu u adkaato, eedana loo saaro Dawlada. Ujeedada ka danbaysaa ay tahay, dadwaynuhu inay nacaan dawladnimda iyo mashaariicda dib loogu soo celinayo haykalkii dawladnimada Soomaliyeed.

Hawlaha iyo qaar kale oo qarsoon ayaa ah, qorshayaasha Al-Shabaab, ka dhexwado waddanka, iyaga oo hawlgallo cusub ka fuliyay maalmahan magaalada Boosaaso ee dawlad goboleedka Puntland.

Qorshayaashaas Al-shabaab ayaa muujiyay maalmahan, in saraakiil ka tirsan Amniga qaranka la xidho, iyada oo loo tiigsanayo, warar laga helay shakhsiyaad iska soo dhiibay Ururka Al-Shabaab, oo si been abuura, warar aan jirin ugu guddbiyay hay’adaha Nabadsugida iyo Amniga qaranka.

Qoraalkani waa u gaar -Geeska Afrika Online copyright@2015


 

The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


Geeska Afrika Online (1985 -2015) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 30 Years.

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link