Al-Shabaab: Siyaasada Cusub ee Ururka Gumaadka Ummada Somaliyeed

Kismayo (HAN) March 7, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo Siyaasada Cusub ee Ururka Gumaadka Ummada Somaliyeed. Muhamed H. Gentelman

Kobaca kooxahaGumaadka Ummada Somaliyeed ee ka dagaalama Soomaaliya waxaa uu soo maray heerar kala duwan kuwaas oo marba ay ku soo biirayeen dhiig cusub iyo fikrada cusub oo ka sii xag jirsan kuwii hore.

Biloowgii Islaamiyiinta ku xoogeysteen Soomaaliya waxaa fadwooday Culimada Islaamka badankood, gaar ahaan kuwa aaminsan fikirka ku saleysan dagaal Muslim iyo Gaal, waxaana la abaabulay dagaalo ka dhan ah hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay gaala raacyo yihiin.

Waxaa dhashay kacdoono hubeysan oo si dadban iyo si toos ah dagaalo ugu qaaday xarumihii hogaamiyaasha aakhirkiina ka adkaaday.

Kadib waxaa soo if baxday in mabda’ii iyo waxa ay Culimada ugu yeereen Jihaadka Soomaaliya in lagu talax tagay oo xitaa la gaaleeysiiyay qaar ka mid ah culimada fadwooday ee ku baaqayay Jihaadka cusub.

Waxaan soo baxay dhalinyaro abaabulan oo gacanta ku heysata qoriga iyo kutubka oo iyaga un ku camal fala.

Fikirka dhalinyaradaas waa u fiday waxa uu ku baahay Gobolada Soomaaliya, waxaana ka abuurmay afkaarta xagjirnimada ah ee ku dhisan dagaalka aan wax wehliya laheyn.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya muddo badan waxa ay cilaaqaad la leheyd Urur weynaha Al-qaacida oo ay taageero iyo dhiiri galinba ka heli jirtay,

Waxay wadaagi jireen fikradaha qalafsan ee jihaadiga ah.

Hogaankii Sare ee Al-Shabaab ma jecleysan in ay ku koobnaadaan gacan saar kaliya, waxayna baadi dooneen in ay xubin buuxda ka noqdaan ururka Al-Qaacida.

Waxay codsiya kala duwan u direen hogaanka Sare ee Al-Qaacida, ha yeeshee Al-Qaacida ma daneyneyn in ay Shabaabku ururkooda la midoobaan sababa ku aadan in aysan buuxin karin shuruudaha u yaala ururka.

Waxaa loo soo diray Gudi ka socda Shabakada Al-Qaacida u qaabilsan bariga afrika oo qiimeeyn ku sameeya kooxda Al-Shabaab si ay u tazkiyeeyaan hadii ay u qalmaan in ay qaataan magaca Alqaacidada Soomaaliya, ugu dambeyn midowgaas wuxuu dhacay sanadkii 2012, markii labada dhinac ay bayco wada galeen, waxaa xilligaas labada dhinac ugu kala dhawaaqay Hogaamiyihii hore Al-AShabaab Axmed Godane iyo Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Dawaahiri.

Isku biiridaas ugubka aheyd ma noqon mid sii xoogeysatay, waayo mar walba waxaa muuqanaya dal dalooli iyo ku qanacsanaan Al-Qaacida ee Hogaanka Al-Shabaab, waxaana xilligaas bilowday in hogaanka Al-Shabaab in khilaafaad soo kala dhex galo

Kadib Hogaankii Al-Shabaab waxeey jecleeysteen in ay Khilaafad islaamiya uga dhawaqaan Geeska Afrika oo ay ka guuraan magacan ku kooban dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ha yeeshee waxaa iyana la aaminsan yahay in ay u suuroobi weeysay kadib marki rag ka tirsan ururka ay ku qanci waayeen oo u badnaa ajaanibta la joogay.

Sideey doontaba ha noqotee kooxda waxay Waa-jahday caqabado badan oo ay ka mid yihiin:-

1. Waxeey lumisay deegaano fara badan oo ay maamuli jireen, dhaqaalo fara badana uu ka soo gali jiray

2. Waxaa ka gadooday rag isugu jiray Soomaali iyo muhaajireen oo kooxda saameeyn fiican ku dhex lahaa

3. Waxaa la dilay hogaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo la rumeeysan yahay in uu ahaa hogaamiye adag oo ururka ku tiirsanaa.

Iyada oo guul darooyinkaas kooxda la kulantay hadana wali waxeey wadeen weeraro ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee caalamka taageera, Al-Shabaab waxey yeelatay hogaan cusub oo uu ka dardaarmay hogaamiyihi geeriyooday Axmed Cabdi Godane.

Intaas oo dhan oo juhdi iyo dadaal ay kooxda wadeen inay Khilaafo islaami ah ka hirgalaan bariga Afrika, haatan waxaa kooxda ay wadaa dar dar iyo qorshe cusub oo ay kula midoobeyso Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS) ama Daacish, taasoo dagaalo adag ka wada deegaanada bariga dhexe hadana ku fideeysa wadama dhowr ah oo Muslim ah sida Liibiya.

Sidoo kale ISIS waxa ku qulqulaya dhalinyaro badan oo jihaad doona kuwaas oo ka kala yimid daafaha caalamka oo ay dhalinyaro Somaaliyeedna ay ka mid yihiin.

Tan iyo markii ay soo shaac baxday in Jihadi John ninka Qoor-gooyaha Daacish ee dhowaan un la aqoonsaday Mohamed Emwazi waxaa uu sanadkii 2009-kii isku dayay inuu soo aado Soomaaliya, hase ahaatee Sirdoonka Tanzania ayaa dib u celiyay, waxaana la rumeysnaa inuu ku xirnaa dhalinyaro ka soo tagay UK oo uu ka mid ahaa Bilaal Al-Barjaawi oo sanadkii 2012 lagu dilay duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah.

Inkastoo hankiisa ee uu Soomaaliya ku doonayay inuu ku soo aado guuldareysto, hadana waxaa dhinac kale ka socdo dadaal la wado oo ah in Daacish iyo Al-Shabaab midoobaan, kooxdana ay qaadato magaca dowladda islaamiga ee Bariga Afrika.

Xiriirka yar ee ka dhex ifaya Al-Shabaab iyo Daacish waa Jihadi John oo mar Soomaaliya isku dayay inuu yimaado, balse saaxibadiisa hore qaarkood ku sugan yihiin, waxaa loo arkaa in xiriirkaas yar inuu sahli karo isku biirida labada koox.

Ururka Al-Shabaab oo muda badan raadinaayay inuu caalamiyeeyo waxa ay jihaadka ugu yeeraan oo ay Soomaaliya ka wadaan ayaa fursad u tahay in ay taxaaluf la yeeshaan kooxda Daacish maadaama is bedel uu ku yimid hogaanki hore ee Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale ay fursad u tahay Amiirka cusub ee Al-Shabaab Axmed Diiriye, kaasoo ku dadaalaya in uu muujiyo awood dheeraad ah si xukunka u sii heysto.

Dadka falanqeeya arrimaha kobaca kooxaha islaamiyiinta ayaa aaminsan in xawaaraha ay Daacish ku socoto, dhaqaalaha fara badan ee ay heystaan iyo xukunkooda meelaha uu ku fiday ay suura gal ka dhigi karto in Soomaaliyana ku awood-yeeshaan, gaar ahaan Geeska Afrika inay ka dhisaan dowlad islaam aan xuduud laheyn

By. Muhamed Hussein Gentleman. muwadin44@hotmail.com


Geeska Afrika Online (1985 -2015) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 30 Years.

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link