Ma Guulaysan Karaa Dr. Cali Ciise?

Garowe (HAN) January 2nd, 2019. Dr Cali Ciise Cabdi oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha iyo horumaruinta, kana tirsanaa G8 ee maamulka Khaatumo, ayaa todobaadkna Puntland ku dhawaaqey inuu isu soo taagey tartanka xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ee doorashada 2019

Faaladan hoose ee Musharraxnimada Dr. Cali Ciise Cabdi Xilka Madaxweynaha DG Puntland. waxaa Qoray. Dr. Culusow.

Tartanka doorashada xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka (DG) Puntland ee la qorsheeyay 8 Jannaayo 2019  horeyna ugu  sharraxnaayeen musharrixiin gaareysa  ilaa 30 waxaa maanta ku soo biiray Musharrax Dr Cali Ciise Cabdi oo ah aqoon yahan, waayo arag heer caalami ah, iyo siyaasi dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ku dhex jiray qalaama rogodka siyaasadaha Soomaaliya. 

Dr. Cali waa aqoonyahan cilmiga dhaqaalaha oo muddo dheer ka soo shaqeynayay Hay’adda lacagta Adduunka (IMF), haddana madax u ah Machad daraasadu sameeya oo saldhiggiisu yahay Magaalada Addis Ababa, Ethiopia. Wuxuu kaloo madax u yahay Guddiga Dhaqaalaha Dowladda Federaalka oo la magacaabay dhowr bilood ka hor.  

Musharraxnimada Dr Cali waa sumcad u korortay DG Puntland madaama uu yahay khabiir magac dheer ku leh dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba. Dhinaca kal,  musharraxnimada Dr. Cali waxay kicineysaa arrimo  la xiriira siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo midda Puntland. 

1. Dr Cali ma aheyn shaqsi horey loo filayay inuu tartanka doorashada  ka soo qayb galayo, wuxuna ku soo biiray tartanka doorashada 10 maalmood ka hor. Arrintaas waxay abuurtay shakiga ah in Madaxweyne Farmaajo ku dhiirrigeliyay, dhaqaale iyo olole ku taagerayo sida ka dhacday Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. 

2. Dr. Cali iyo Dr. Cali Khalif waxay ka mid ahaayeen siyaasiintii  udubada u taagan Dowlad Goboleedka Khaatumo taaso ka madaxbannaaneyd DG Puntland. Isbeddelkaas waa dhaliil siyaasadda Soomaaliya qiimo dishay. 

3. Dr. Cali wuxuu muddo dheer ka mid ahaa aqoonyahannada taagersanaa dhismaha iyo tayeynta Dowladda Dhexe, uuna mar kasta diyaar u ahaa inuu xil ka qabto. Khudbadiisa musharraxnimada Puntland wuxuu diiradda saaray hirgelinta nidaamka awood qaybsiga ama federaalka loo yaqaan oo Dowladda Madaxweyne Farmaajo ka soo horjeedo.  

4. Dr. Cali wuxuu Guddoomiye u yahay Guddiga Dhaqaalaha  Dowladda Federaalka, xilkaasoo ahaa mid aad muhiim u ah  dalka, hase yeeshe Dr. Cali ka doorbiday xilka Madaxweynaha DG Puntland. 

5. Dr. Cali waa aqoon yahay dhaqaale waxaana xilka Madaxweynaha Puntland hayay 5 sano la soo dhaafay Dr. Professor Cabdiweli Gaas oo ah aqoonyahan dhaqaale oo lagu dhalliilayo in aqoontiisii professor-nimo ee dhaqaalaha aysan wax  faa’iido ah u tarin Puntland. Taas waxay abuurtay in aqoonta iyo waayo aragnimada musharraxiinta sheeganayaan aysan wax tixgelin ah yeelan doonin xagga doorashada. 

6. Dr. Cali wuxuu halis u yahay inuu Puntland kala kulmo qaabiladii Professor Axmed Ismaaciil Samater kala kulmay Muqdisho. Sidaa darted, waxaa muhiim ah inuu ku talo galo ee uusan marin dariiqii Professor Axmed Ismail Samater. 

Talojeedin

Madaama Dr. Cali yahay shakhsi dad badan uga dayanayaan xagga run sheegidda, waxaa talo iga ah inuu sheego in marka uu Dowladda Federaalka kala shaqeynayay xagga dib u dhiska Maamulka Maaliyadda in Bankiga Horumarinta  Afrika bixin jiray kharajka. Shaki kuma jiro in Machadka HESPI ee Dr Cali madaxda ka yahay dadaal dheeraad ah qabtay. 

Dr. Maxamud M Culusow

@Geeska Afrika Online copyrights 2019


by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link