Shanta Sababood ee Looga badalay Sanbaloolshe NISA

Mogadishu (HAN) October 30th. 2017 – Public Diplomacy and Regional Stability Initiatives News.  Tixraaca Qoraalkii  Washington Post iyo Sirta Turkiga e Xiriirka Sanbaloolshe iyo Imaaraadka ayaa salka ku haysa, in si degdega looga qaado Xilka, maadama lagu tuhmay inuu xiriir la sameeyay Ra’isal wasaarihii hore Cumar cabdirashiid. Dhinaca kale, wuxuu door ku lahaa, Madaxwaynaha Hirshabeele inuu ku biiro Gollaha iskaashiga Maamul-Goboleedyada ee Kismayo.

Laakiin, sida ay khubaradu sheegayaan, Walligeedba Hebel Baddala Hebel Kallanna Keenna…… Wallee Halkeedda Dhaafi-mayso.

Hay’ad ammaan oo hogaamiyaheedda qabiil lagu xulay in aysan hano-qaadeyn waa hal marag madoonta ah, ayuu yiri sar
kaHay’ad sirdoon oo dadka ka shaqeeynayaa ka arraddan-yihiin xeeladdaha xog hellida iyo la macaamilka arimaha dahsoon iyana inaysan horumarayn waa mid iska muuqatey.

Tallo waxay ku egtahay.

Cidda hogaammin doontaa hay’addaha ammaanka waa in la iska-indhotiraa in lagu soo xullo waa reer hebell’e booskoodii weeye.
waa in la raadiyaa cid wax ka barratay ama khibrad u leh arimaha amnigga sida, Cilmiga ammaanka (Security study), la dagaallanka argagaxisadda (Counter terrorism) iyo cilmigga war-doonka (Intelligence).
Sidoo kalle waa in shaqaallaha hay’addahas huf iyo kalla haaddin lala dhex gallo dibaddana loo tuuro ab-kay caajis iyo dib-usocod oo dhan, lanna keena dhallin loo carbiyey ammaanka.

In qallab casri ah oo lagu hawl gallo la hellaayi waa muhiim sida kuwa xogaha lagu soo aruuriyo iyo kuwa lagu lafagurabba.

Hay’adda Sir-doonku waa in ay yeelata nidaam maamul oo kalla qeybsan (Work division and organisational hierarchy) sida waaxda wardoonka, waaxda ka hortagga khataraha amni  waaxda fullinta ammarada qorsheysan waaxda xiriirka waaxda Il-baadsigga (Survaillance ) dhamaantood waa in ay leeyihin dhextaal ay isugu soo biyo -shubtaan.
Dhankaas farsamadda marka lagga yimaado, waa in xukuumaddu la timaaaddaa siyaasad cad oo aan gabasho lahayn islamarkaana gunta taabanaysa.

Sidoo kalle haddii Hay’addaha sirdoonka reer galbeedka sida FBI Mareykanka iyo MI6-ka Ingiriiska labo-wajiillanimo nagula dhaqmeen, waa ayo cidda naga hortaaggan inaan xiriir la samayno Hay’addaha sirdoonka MIT ee (Turkiga) iyo FIS oo (Ruushka ah) si ay farsamo ahaan nooga caawiyaan arimaha amnigga.

Sidoo kalle haddii aan tuhunsanahay Imaaraadka Carabta in ay cadaw nagu yahiin maxaan u huursanaynaa maan Go’aan qaaddano, cirkana haka cabtee, meel ka xun meesha aan joogno oo aan aadi lahayn ma jirtee.

Tan kale maamulka Gobolka Banaaddir min Gudoomiye Thaabit ilaa Gudoomiya-yaal waaxeedyaddu waa inay degmooyinkoodda ka war keennaan, tiro ahaan iyo dadka degen waxay yihiin dhankasta…

Ugu dambayntii wax macno ah masoo kordhinayso in taliyahii sirdoonka soomaaliya Sanballooshe la badallo berina rag la yiraahdo San-dheere ama Sur-dhuub naloo keenno, isla qaabkii shaqadda loo hayayna ay u qabtaan natiijo cusubna aan sugno…….
Madaxweyne Farmaajo hurddada haka-kaco…..
Walligayo miyaanu aamusnaanaynaa… Caawiye Maxamud Indhataag.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link