General Ereg iyo Direyska Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya NISA

Mogadishu (HAN) October 30th. 2017 – Public Diplomacy and Regional Stability Initiatives News. General Ereg iyo Direyska Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya NISA, oo uu ku tilmaamay mid sahashay inay waddada Shabeele ee aad loo feejigan yahay in maleeshiyadu si sahal ah ku maraan.

Shantii nin ee weeraray hotel Naasa-hablood 2 ayaa watay Kaararka aqoonsiga nabadsugida iyo Direyska Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya NISA,  waana mida keentay iney si fudud ku galaan Huteelka Naasahablood 2 ayaga oon laga shakin.

Kolonel Axmed Yare, wuxuu ku raacay ra’yiga General Ereg, wuxuuna yiri, “Waxay wateen Kaararka NISA oo ay si cad uga muuqdeen magacyo, Darajo iyo Sawiro. Taasi oo keentay inaysan Saraakiisha Booliska joojinin iyaga”.

Xiriir la’aanta labada hay’adood ayaa iyaduna saldhig u ahayd in si sahlan wadada loo maro, sida uu sheegay Generaalku.

Taliyaha nabad sugida Cabdulaahi Sambalooshe iyo taliyaha ciidanka booliiska General Saacid ayaa xilalkii laga qaaday, kadib markii wasiirka amniga Ducaale uu gollaha wasiiradda ka codsaday.

Guud ahaan dadki ku dhintay weerarkii Naaso hablood ayaa tiro ahaan waxay garaayaan 27 qof oo ay ku jiraan dad masuuliyiin ah oo ka koobnaa madax iyo saraakiil ciidan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link