Journalkii ugu Horeyay- Xora Lagu Dabaco  Geeska Afrika 1985  
 Qaadisiya: Afhayeenka Islamiyiinta Somaliya

Hoggan La'aani Waa Hagaag La'aan.

Sheikh Muxumed Sheikh Warfaa Soogaan (1820-1923) 

 

(Geeska Afrika Magzine & HAN) -Xafiiska Hargeysa 

 han@geeskaafrika han@geeskaafrika.com

HAN: Horn Africa Newsline

Ilaalinta  xuquuqda wariyayaasha dalalka IGAD

kala xidhiidh  han@geeskaafrika.com

 
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Baydhaba, Somalia

NOTE: Cilad farsamo ayaanu usoo qoriwaynay todobaadkii tagay...ee naga raali noqda..akhristayaasha HAN iyo Geeska Afrika Online

 
War Qore: Jamal Sh. Abiib (Bogga Somaliga - Addis, Hargeisa &  Jigjiga ) 

Ciidanka Ethiopia ee Xadka Somaliland iyo Ethiopia oolasoo kordhiyay iyo Googooska Wargeyska Geeska Afrika Online & HAN 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku Simaha Madaxweynaha Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo kahadlay Murugsan ee Gobolka GeeskaAfrika - Wargeyska Geeska afrika Online& HAN Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku Simaha Madaxweynaha Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo kahadlay Arrimaha Murugsan ee Gobolka Geeska Afrika - Wargeyska Geeska afrika O

Wargeyska Geeska Afrika (Somalia) (Halkan Riix) 

HAN & Geeska Afrika Online (Halkan Riix) 


Ciidanka Ethiopia ee Xadka Somalland iyoEthiopia oolasoo kordhiyay iyo Googooska Wargeyska Geeska Afrika Online & HAN 
Somaliland iyo Maanta (Wargeyska Geeska Afrika Online & HAN). 12kii Aug, 2006- Xaaladaha cusub ee kusoo kordhay Somaliland iyo Xaddka Ethiopia iyo waliba gocashadaShacbiga Somaliland ee iskaashi la'aanta dawlada Ethiopia ee siyaasada Xukkumada cabdullahi Yusuf ee Baydhaba, ayaa Madaxwaynaha Somaliland iyo wufuud kale ugu kala bixi doonaandalaka Gobolka iyo Yurub. Hadaba maxaa kusoo kordhay xaalada Siyaasadeed ee maanta:

MADAXWEYNE RAYAALE OO SAFAR KEDIS AH KU TAGAYA DALALKA INGIRIISKA IYO MARAYKANKA

H

argeysa(Geeska Afrika Online & HAN)- Madaxweyne Goboleedka  Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan u socdaalo dalka Ingiriiska, oo la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Ingiriiska.

Safarka oo aan si rasmi ah daboolka looga qaadin, waxa ay ilo xogogaal ahi Geeska Afrika u sheegeen in Madaxweynuhu mudada uu halkaas joogo kulamo kula yeelan doono Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay inay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin qaddiyadda Somaliland, doorka Ingiriisku ka qaadan karo xaqiijinta Madaxbanaanida Somaliland iyo sidoo kale Xaaladda Mandaqadda Geeska Afrika.

Ilahan xogogaalka ahi waxa ay sheegeen inay safarka Madaxweyne Rayaale ku tagayo dalka Ingiriiska qaban qaabiyeen xubno ka tirsan xukuumadda Raysalwasaare Tony Blair iyo qaar ka mid ah  Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriiska oo taageera qaddiyadda Somaliland.

Madaxweynaha waxa la sheegay inay safarkiisa ku wehelin doonaan laba  wasiir oo mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxaana hadda magaalada Addis Ababa  ujooga qabanqaabada safarka Madaxweynaha  Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Iyada oo uu dalka Ingiriiska ku suganyahay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Mr. Xuseen Keenyaati oo la sheegay inuu safarkiisu la xidhiidho socdaalka Madaxweynaha.

Inkasta oo aanay ilo wareedyadani sheegin mudada uu Madaxweynuhu Ingiriiska joogi doono, haddana waxa ay xuseen inuu uga sii gudbi doono Magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu kaga qayb galayo shir lagaga hadlayo arrimaha Somaliland oo la qabanayo horaanta bisha September. Shirkaas oo uu soo qaban qaabiyay ururka SOPRI oo ah urur ay ku bahoobeen qaar ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ee dalka Maraykanka degen, waxa kale oo lagu martiqaaday Hoggaamiyayaasha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyo shirguddoonada Baarlamaanka.

Madaxweyne Rayaale, waxa uu hore dalka Ingiriiska u tagay bishii March ee sannadkii 2004, halkaas oo khudbad dheer oo ku saabsan qadiyadda Somaliland ka jeediyay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska.

FAYSAL CALI WARAABE OO MADAXWEYNE RAYAALE UGU BAAQAY INUU XILKA KA QAADO AFAR WASIIR

H

argeysa(Geeska Afrika Online & HAN)-  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Rayaale inuu xilka ka qaado Afar Wasiir oo uu ku tilmaamay inay yihiin dheeraad ku yihiin dalka.

Isaga oo ka hadlayay habeen hore  casho sharaf lagu maamuusaayay dib u doorashada mudada shanta sanno ah ee hoggaanka  xisbiga UCID ee dhawaan lagu doortay  shirweynihii labaad ee xisbigu ku yeeshay Hargeysa, waxa uu afartaas Wasiir ku kala sheegay Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Md Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Xeebaha Md. Maxamuud Maxamed Faarax (Oday), Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md. Qaasim Sheekh Yuusuf iyo Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), “Afartaas Wasiirba waxa aanu Rayaale kula talinaynaa inuu xilka ka qaado waayo dalka waa ku dheeraad”, ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas ku daray, “Ka Maaliyadda [Wasiir Cawil] oo dhaqaalihii dalka la degay waa Falaysa Minaa’

Md. Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda xisbiga UCID oo sheegay inay ku salaysantahay hirgelinta qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland iyo horumarinta kaabayaasha kala duwan ee dalka.

Waxa iyaguna Munaasibadaas habeen hore ka hadlay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo masuuliyiin kala duwan.

“WAXAY ILA TAHAY IN LA GAADHAY XILLIGII LA AQOONSAN LAHAA SOMALILAND, UNA MALAYN MAAYO IN SOOMAALIYA AY WAX KA WADA DHEXEEYAAN”

Hargeysa(Geeska Afrika Online & HAN): Ambassador Dan Simpson, oo hore u ahaa Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sannadihii 1994-95-kii, oo badhtamihii sannadkan socdaal ku yimid magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa warbixin uu ku qoray Wargeyska la yidhaahdo Post-Gazette, waxa uu kaga waramay xaqa Somaliland u leedahay in la aqoonsado iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

Ambassador Dan Simpson, oo hadda Tifaftire ka ah qaybta Xidhiidhka Caalamiga ah ee Wargeyska Post-Gazette, oo ka soo baxa dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in wakhti hore uu qabay fikir ka soo horjeeda Somaliland, balse hadda uu garwaaqsaday in la gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa dalkaas.

Warbixintaas oo aanu idiin soo turjunay waxa uu ku yidhi:

Xaaladda Somaliland ee aan weli la aqoonsani waxay u baahantahay in dib loo eego. Waddankaas madaxa banaani waxa uu muddo badan yaalay Miiska wada hadalka ilaa intii ay baaba’day Jamhuuriyaddii Soomaaliya, sannadkii 1991-kii.

Dawladda Somaliland oo ahayd Maxmiyad uu Ingiriisku maamulo, ayaa la midawday Soomaalidii uu gumaysan jiray Talyaanigu. Dawladaas oo ahayd mid shaqaynaysa waxay leedahay xuduudo xidhan, calan gooni ah iyo Dastuur xiitaa waxay leeyihiin Diyaarad la yidhaahdo Daallo Airlines, taas oo aan u arkayay inaanay waxba ka dhicin diyaaradaha Maraykanka.

Somaliland waxay ka duwantahay Somaaliya, mar aan booqday caasimadooda Hargeysa, bishii Juune, marka Muqdisho la garab dhigo runtii aad bay u kala duwanyihiin, Hargeysa waa magaalo degen oo dadkuna ku mashquulsanyihiin hawlahooda,

Afrika iyo wadamada Adduunkuna waxay u haystaan in Somaliland ka mid tahay Somaaliya. Markii aan ahaa Ambassadorka iyo Ergayga Soomaaliya ee Maraykanka sannadkii 1994-95, anigu waan ku raacsanaa arrintaas, sababtuna waxay ahayd waxa jiray dagaal u dhexeeyay Soomaalida iyo Somaliland oo ahaa xagga xuduudaha iyo maamulkaba. Marka laga tago arrintaas la xaliyay sanado ka dib maan haysan wax cudur daar ah oo intaas dheer oo aan ku diido xaqa ay u leeyihiin in la Ictiraafo.

Waxyaabaha lagaga soo horjeedo dawladda Somaliland in la ictiraafo waxa weeyaan kala soocida la kala qaybinayo Soomaalida, qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo kuwa adduunkuna ma doonayaan arrintaas.

Waxa muuqata in wadamada Afrika aanay ogolayn inay taageeraan kala goo’go ku yimaada wadamada Afrika, laakiin wadamada kala googa’ay way badanyihiin sida Ereteeriya iyo Itoobiya oo sanandkii 1993-kii, arrintaas oo keentay dagaal ilaa hadda socda.

Midawga Afrika oo uu taageero Maraykanku ayaan wax taageero ah siinin arrintaas, waxaanay weli dawladda Maraykanku ku adkaysanaysaa inaanay aqoonsanayn Somaliland.

Soomaaliya oo baaba’day sannadkii 1991-ki, adduunka ayaa isku dayay inay rajo u helaan sanandihii 1991-95, waxaanay dawladda Maraykanku iska dhego marisay inay arrintaas wax ka qabato.

Hoggaamiyayaashii kooxaha ayaa isku magacaabay urur la yidhaahdo la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda, waxaanay nimankaasi bishiiba heli jireen lacag dhan $ 100,000 ilaa $ 150,000, lacagtaas oo  Maraykanku joojiyeen ka dib markii laga adkaaday 5-tii Juune ee sannadkan.

Markii Maxkamadihii adkaadeen ayay soo jeediyeen Maxkamadihii in heshiis la wada galo. Heshiiskaas oo uu waday Madaxweynaha Suudaan, waxaanay dawladda Maraykanku aqoonsantahay in Soomaaliya tahay hoy argagixisadu ku gabato.

Waxay ila tahay in la gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa Somaliland, una malayn maayo in Soomaaliya ay wax ka wada dhexeeyaan, Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa rajo la’aan ka muujiyay Soomaaliya.

Haddii ay jiraan cid rajo ka qabta Soomaliya, waxa haboon inay gartaan in Somaliland tahay mid ka duwan oo goonideeda u istaagi karta, haddii kale Somaliland mabxuus uma noqon karto Soomaaliya?

Abwaan Qaasim oo Geeriyoday

Hargeysa(Geeska Afrika Online & HAN)- Alle ha u Naxariiste waxa shalay magaalada Hargeysa lagu aasay Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Abwaan Qaasim, oo muddo u jiifay xanuun haleelay, waxa uu ka mid ahaa Abwaanada reer Somaliland ee taariikhda ku leh dalkan, waxaanu ka qayb galay halgamadii kala dambeeyay ee loo soo maray xorriyadda iyo dawladnimada Somaliland.

Awbaan Qaasim, Alle ha u naxariiste waxa uu ahaa Abwaan Aftahan ah, Geesi ah oo had iyo jeer maansooyinkiisa gobanimo doonka ahaa ka turjumi jireen dareenka shacbiga.

Abwaan Qaasim, oo aanu Taariikh nololeedka oo dhammaystiran idiinku soo gudbin doono cadadyada dambe, waxaanu cadadkan Maanta ee  Geeska Afrika idiinku soo gudbinaynaa Maanso uu Abwaanu tiriyay sannadkii 1984, xilligaas oo uu Hargeysa ka socda dhaqdhaqaaqii ururkii SNM iyo kacdoonkii shacbigu kaga soo horjeedeen xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.

Maansadan oo magaceeda  la yidhaahdo ‘Hargeysa’, waxa uu abwaanku ku yidhi,

Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene
Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye
Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaamsadaye
Hantidaada muu weerareen halaq wax-boobaaye
Carruurtiyo haweenkaad lahayd lama halgaadeene
Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye
Hoos looma eegeen kuwii hawl-karka ahaaye
Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
Dhammaan hoobaladii may-qaxeen hibadu saarrayde
Hayeeshee habeen guule-baad heli habeen dhowe
Had' aan sii fogayn waxaad fishaa heego iyo roobe
Hillaac caafimaad baa ku mari hogol daruureede
Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude
Hor ilaahay waan kaa xorayn hawsha kuu timiye
Insha'llah hoy nabad gelyaa lagugu soo hoyne.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa Tacsi u diray Ehelkii, Bulshadii, Asxaabtii iyo umadii uu ka geeriyooday Marxuum Qaasim.

Puntland oo Midawga Maxkamadaha ka Dalbatay inay wada hadlaan

Xamar (Geeska Afrika Online & HAN)- Dawlad goboleedka Puntland ayaa Midawga Maxkamadaha Muqdisho ka codsaday inay wada hadlaan, si looga badbaado dagaal dhex mara Maxkamadaha iyo Puntland oo hadda qarka u saaran inay isku dhacaan.

Guddoomiyaha Golaha Shuurada Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Muqdisho Sheekh Xasan Daahir Aways, ayaa shalay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ka sheegay inay aqbaleen codsi uga yimid dhinaca Puntland, kaas oo salka ku hayay wada hadal bilaa shuruud ah.

Sheekh Aways, waxa uu sheegay Golaha maxaakiimta aanay weerar ku ahayn maamul goboleedka Puntland hase yeeshee looga yeedhay Koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaas oo uu sheegay in xaalad ammaan xumo ka jirto.

Taliyaha Booliska Puntland Yuusuf Axmed Khayr oo ay Sheekh Xasan Aways isku waajaheen dood Idaacadu qaban qaabisay ayaa isaguna Maxkamadaha ku eedeeyay inay wadaan dhul ballaadhsi,  islamarkaana ay doonayaan in dhibaato hor leh ay ka abuuraan gobolo nabdoon, inkasta oo uu sheegay in loo baahan yahay in la wadahadalo si meesha looga saaro madmadowga jira.

Dhinaca kale Magaalada Gaalkacayo oo uu ku suganyahay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi, ayaa waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo u muuqda inuu si fudud dagaal ku dhex mari karo labada dhinac. Waxaana jimcihii shalay dhinaca Koonfureed ee Magaalada Gaalkacayo u tallaabay qaar badan oo ka mid ah ciidamada Puntland. wargeyska Geeska Afrika Online & HAN

Qormooyinkii Todobaadkan ee Bogga Somalia:
Wargeyska Geeska Afrika (Somalia)   (Halkan Riix) 

HAN & Geeska Afrika Online   (Halkan Riix) 


LA XIDHIIDH:  HAN@GEESKAAFRIKA.COM


 
   
 
   
Copyright © 1985-2006 GEESKA AFRIKA ONLINE (SOMALI)  Managing Editor/Publisher: NK