Somali: Tobanka Qodob Siyaasadeed iyo Bulsheed ee Hortaagan Higsiga 2016

Qatar (HAN) March 21, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo Talaabooyinka Hortaagan Higsiga 2016. Iyada oo Ra’salwasaarihii 3aad ee dawlada faderaalku ku hawlan yahay socdaalka Qadar, ayaa waxaa muuqda dal-daloolo, taako ku ah maamulka iyo maaraynta higsiga, si cadna uga dhex muuqda dawlada iyo dawladnimada Soomaliyeed, waxaana ka mid ah:

  1.  Caga-jiidka Hay’adaha amniga iyo AMISOM ee ka hortaga cadawga Soomaaliyeed, si ay u muuqato wakhtiga iyo maalinta higgsiga ummada Soomaliyeed. 
  2. Dib udhaca qaabaynta dastuurka qabyada ah, oo saamayn ku leh in afti loo qaado 2015, dhamaan gobolada iyo degmooyinka.
  3.  Kaadir Soomaliyeed oo leh garaad-siyaasadeed ubisil wakhtiga. 
  4. La’aanta qorshe qarameed dheer, si loo jiheeyo Dhalinta iyo kaadirkii hoggaanka u qaban lahaa, higsiga bari iyo himmilada Fog. 
  5. Maamul goboleedyada oo qabyo ah iyo waliba kuwa wadada kusoo jira oo aan wali lahayn qorsho-qaran. 
  6. Dhirbaaxadii iyo Raadkii uu katagay ra’isalwasaarihii 2aad oo wali maamulka dawlada ka dhex-muuqda.
  7. Aqoon darrida iyo tababar la’aanta, xubnaha ka tirsan Golaha wasiirada, oo u baahan ugu yaraan 6 bilood oo tababar-dawladnimo iyo shuruudaha wasiirnimo.
  8. Qorshe middaysan oo istiraatiijiyad cad ah, oo aan jirin. Shirarka oo badankood ku dhamaada qaab dhoolo tus ah ama shinbirow heesa.
  9. Awood-darrida wasaarada maaliyada iyo Bangiga dhexe iyo waliba Dhaqaalo-la’aanta dawlada.
  10.  Kalsoonida arrimaha nabadgalayada oo caqabad ku noqon kora in la higsado doorasho madaxweyne 2016.

Su’aal: Dadka daneeya, dawlada iyo dadka Soomaliyeed, ayaaa ka hadlaya qorshahaas laakiin ma jirtaa qaabka caqabadahaasi looga guddbi karo?

Photo: Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Max’ed Cumar Carte Qaalib oo ay xaaladdiisa caafimaad ka soo reyneyso, ka dib dhaawacyadii ka soo gaaray Qaraxii Central Hotel ee magaalada Muqdisho bishii hore.


 

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Geeska Afrika Online (1985 -2015) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 30 Years.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link