Somali: Weedhaha Diplomasiyada iyo Diplomasiyada Sweden ee 2016

Xamar (HAN) March 18, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo cilaaqaadka  Arrimaha Dibada ee Sweden. Wasiir kuxigeenka A Dibadda Ahmed Ali Kadiye oo qaabilay Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi.

Ujeedada Sweden iyo danta ay xilligan ay ka rabto Soomaliya, waa inay soo celiso qaxootiga Soomaliyeed ee aan dhalashada qaadan iyo danbiilayaasha kujira jeelasha sweden.

Hadaba, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye”, ayaa Xafiiskiiska wasaarada arrimaha dibada ee Xamar ku qaabilay,  Danjiraha Sweden uga wakiil ah dalka Soomaaliya  Mikael Lindvall oo ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada horrumarinta dadka iyo dib-udhiska Soomaliya.

Dhinaca kale, Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagan tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo dhiso mustaqbal dimoqraadi oo uu gaaro Shacabka Soomaaliyeed .

Gabagabadii, Kulankan diplomasiyadeed waxaa looga hadlay xidhiidhka dib usoo laabtay ee Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo la ogsoon yahay in dad ku dhow illaa iyo 50,000 oo muwaadiniin Somali – Sweden ay ku noolyihiin magaalooyin iyo tuullooyin kala duwan oo Boqortooyada Sweden oo ka mid ah dowladaha Scandinavia ee ku yaala Waqooyiga Europe .


 

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2015), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link