Cali Khaliif Galaydh oo Xarunta Villa Soomaaliya kula Kulmay Madaxweynaha

Xamar (HAN) February 24, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr oo booqday Villa Soomaliya.

Illo xogg-ogaala waxay sheegeen, in Madaxwaynuhu ka gaabsaday hawlo dhawr ah oo uu Dr.Cali Khalif u soo jeediyaya xukuumada Federalka Somaliya, si aan lookala tuurin wadahadalka dhawaan ka dhici doonaa Istanbul, Turkiga ee Soomaliya iyo Soomaliland.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr oo ay weheliyeen mas’uuliyiin reer Khaatumo ah ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabiley madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo kawada hadlay xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo samayn lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn buuxda oo dhexmarta labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka xukuumada Soomaaliya Dr. Cali Axmed Jaamac (Jengeli).

Labada madaxweyne ayaa ugu danbayntii yeeshay kulan ay albaabadu u xirnaayeen, lamana oga arimaha gaarka ah ee la isla gaadhay. Balse Illo xogg-ogaala waxay sheegeen, in Madaxwaynuhu ka gaabsaday hawlo dhawr ah oo uu Dr.Cali Khalif u soo jeediyaya xukuumada Federalka Somaliya, si aan lookala tuurin wadahadalka dhawaan ka dhici doonaa Istanbul, Turkiga ee Soomaliya iyo Soomaliland.


The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link