Tacsi iyo Milicsigii dhibaatadii ku dhacday Masuuliyiintii-qaran

Xamar (HAN) February 22, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo milicsigii dhibaatadii ku dhacday Masuuliyiintii-Qaran. Waxaa Qoray,Muddane Farax Sheikh Abdulqadir.

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacab Soomaaliyeed, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen Masuuliyiintii-qaran iyo shacbigii lagu xasuuqay masaajidka Central Hotel maalintii jimcaha 20/02/2015. Kuwaasi waxaan filaynaa inay ahaayeen Shahiidiin u dhintay diintooda iyo dalkooda, una adeegayay shacbiga Soomaaliyeed, sidii looga saari lahaa, dhibaatooyinka haggar-daamiyay, noloshoodii iyo rajadii jiilka barri. Waxaana u rajeeynayaa in ay ku hoydaan Jannadii Eebe ugu bishaareeyay dadka u adeega diintooda, dadkooda iyo dalkooda. Waxaan ilaahay ugu baryayaa kuwa dhaawacmay iyo kuwa khasaaraha kale uu soo gaarayba inuu u fududeeyo.

Hawl-wadeenadii ku geeriyooday dhacdada murugada leh, waxay ahaayeen, kadirkii ku dhaartay inay ka qayb-qaataan ka saarida marxaladan addag ee dalkoodu ku sugay yahay, oo runtii ay ka muuqatay garasho-dheer iyo firfircooni ay lawadaagaan walaalahooda aan anigu ka midka ahaa, ee kula fikirka ahaa, sidii si wadajir loogu waajihi lahaa, hawsha qaran iyo nabadaynta ummadeena.

Qaabkii dhacdadaa naxdinta leh, waxaan ku faraxsanahay inay hawlwadeenada ammnigu ku dabajiraan, sidii loo helli lahaa; casharo looga barran lahaa, si looga hortago, in falkan oo kale ku dhaco masuuliyiin-qaran, loona suggi lahaa nabada iyo xasiloonida shacbiga somaliyeed.

Waxaan ku soo koobi lahaa, dhacdadaa arrimahan:

1– Shacbigeenu, waa inay kala gartaan cadawgooda iyo saaxiibkooda, si loo ilaaliyo nabad-galyada guud ee dalka iyo xasiloonida hantida dadwaynaha iyo tan shacbiga; si loo dadajiyo dabar-goynta xididka cadawga.

2. In qofkasta garto inay waajib qaran tahay, inuu tilmaamo, fartana ku fiiqo, dadka kooban ee dhibka ku haya nabad-galyadeena; cidkasta oo uu yahayba, si aad hoyggaaga iyo dhulkaaga ugu naalooto, nabad iyo caano.

3. In lagu taakuleeyo hay’adaha amniga iyo garsoorka, cidkasta oo khatar ku ah, amniga qaranka, iyada oo aan loo eegin; koox-gaara, shakhsi-gaara iyo dan-gaara.

4. Waa waajib qaran in hay’adaha ku heelan nabad-sugida qaran iyo difaaca dadka iyo dalka, lagu kaalmeeyo fikrado lagu xoojiyo hawl-qabadkooda maalmeed; goorkasta iyo wakhti-kasta.

Ugu danbayn, dalka, dadk iyo masuuliyiinta qaran, waxay muujiyiin, feejignaan iyo in la sii wado hawl-maalmeedka qaran, oo waxaa tusaale inoogu fillan; in balantii shirwaynihii dabaaldagga afkeena hooyo in aanay waxaba iskabadalin. Booqashadii Madaxwayne Ismaciil Omar Geele, wasiiradiisa, iyo masuuliyiintii qaran ee heer gobol iyo heer fadareel ee kakala yimid dawlada federalka Ethiopia, dawlad-goboleedka ismaamulka Somaalida ee Ethiopia, iyo waliba aqoon-yahankii Somaliyeed dibad/guddaha soo buux-dhaafay Mogadishu, ayaa ah, astaan qaran iyo himmilada fog ee dawladeena iyo dalkeena.

Allaa wayn ninkii aaminaa awood leh.

Muddane Farax Sheikh Abdulqadir, Mogadishu, Somalia


The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link