Sababta Amni-Darida iyo Khasaarihii Qaraxii Hoteelka Central ee Mogadishu

Xamar (HAN) February 21, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo Khasaaraha Qaraxa muqdishu. Kulan gaara ee dhinaca amniga oo ay yeesheen gollaha Wasiirada ee Somalia isla markaana uu ka qayb galay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagaga hadlay qaraxii ka dhacay Central Hotel, waxaana warsaxaafadeed kulankaas laga soo saaray lagu sheegay in falkaasi ahaa mid argagixiso.

 

Waxaana kulankaas la iskula qaatay in la dhiso guddi ka kooban Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kuwaas oo ka hawlgeli doona taakulaynta dadkii wax ku noqday, sidoo kale waxaa la dhisay guddi Amni oo ay hormuud u noqonayaan Wasiirka Amniga iyo wasiirka GAashaandhigga kuwaas oo baadhis ku samayn doona falkii argagixiso si loo qaado tallaabo ku habboon.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha, dadkii ku dhintay weerarkii shalay ayaa gaadhaya illa 25 qof halka dhaawacana lagu sheegay inay gaadhayaan illaa 40 qof, Cusbitaalka Madiina wuxuu ka mid yahay cusbitaallada sida weyn ula tacaalayey dhaawacyada iyo dhimashada uu sababay weerarkii shalay, Dr. MAxamed Yuusuf Agaasimaha Cusbitaalka Madiina ayaa VOA u sheegay in tirada dhimashada ee cusbitaalkooda la keenay ay gaadhayso illaa 19 qof halka tirada dhaawaca la keenay cusbitaalkoodana uu ku sheegay illaa 39 qof.

Masuuliyiinta weerarkaan ku dhintay waxaa ka mid ahaa laba xildhibaan oo kala ahaa Maxamed Ducaale Xaaji iyo Cumar Cali Nuur “Furdug”, sidoo kale waxaa goobtaas ku geeriyooday Guddoomiye xigeenkii gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caano-geel, iyo Cabdishakuur Mire Aadan oo ahaa qoraa iyo siyaasi si weyn loo yaqaanay.

Masuuliyiinta Qaraxii shalay ku dhaawacmay waxaa ku jiray Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo masuuliyiin kale, Afhayeenka Laamaha Amniga Qaasim Axmed Rooble ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan illaa 14 qof oo la baadhayo inay ku lug leeyihiin weerarkii shalay iyo inkale.

Madaxweynaha Federaalka Somaliya xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ugu horreeyey ee cambaareeyey weerarkii ka dhacay Central hotel xilli la tukanayey saladdii Jimcaha ee shalay, sidoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa cambaareeyey weerarkaas.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan dalka Somaliya James McAnulty ayaa si weyn u cambaareeyey qaraxii ka dhacay Central Hotel, James McAnulty ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo asxaabtii, dadkii lagu dilay iyo kuwii lagu dhaawacay weerarkii shalay lagu qaaday Central Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana Wakiilku ballanqaaday in dawladda Maraykanku ay si dhow ugala shaqayn doonto madaxda Somalia, Ciidamada Xoogga dalka Somalia iyo weliba ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika sidii ay meesha uga saari lahaayeen kooxda Alshabaab.


 

The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link