Dhaawaca iyo Dilka Saraakiisha Waaxda Hawada iyo Duullimaadyada Soomaaliya

Xamar (HAN) February 17, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo Hanbalyada Ansaxinta Xukuumada. Waxaa Qoray,Yusuf Garaad.

Howladeeenno ka tirsan Waaxda Hawada iyo Duullimaadyada Soomaaliya (Civil Aviation) ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. Allah ha u wada naxariisto.

Waxaan maqlay in ragga la dilay uu ka mid yahay Allah ha u naxariistee Abuukar Caddaan oo ahaa aqoonyahan, mas’uul iyo aabbe.

Waxaan ku bartay Centre Culturel Francais ee Muqdisho 1989 mar aan macallimiin ka ahayn oo aan dhigi jirnay Afka Faransiiska. Xilligaas wuxuu ka shaqeyn jiray Wasaaradda Gaadiidka. Ka sii horna wuxuu jaamacad ku soo dhigtay dalka Faransiiska.

Waxaan ahayn saaxiibbo sheeko wadaag ah berigaas Ka dibna waxaan wada deggeaneyn London, oo marmar aan ku kulmi jirnay. Abuukar wuxuu ahaa nin Allah ka cabsada, ahlu salaad ah oo aad u af gaaban. Wuxuu ahaa nin kelmadda afkiisa ka soo baxaysa si weyn uga fiirsada.
Weligeey ma arag isaga oo si qabyaaladeysan u dhaqmaya ama u hadlaya. Sidoo kale ma arag xummad siyaasadeed asagoo la duulaya.
Xataa weligey ma arag xafiis siyaasadeed asaga oo booqanaya.

Nin ixtiraam badan, oo akhyaar ah ayuu ahaa. Nin shaqadiisa khabiir ku ah, kuna kalsoon ayuu ahaa. Nin Soomaali nabad iyo horumar la jecel ayuu ahaa. Markii uu dib ugu soo laabtay Xafiiska Muqdisho waa laga dareemay. Howlihii ugu dambeeyay ee lagu xasuustana waxaa ka mid ah wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland oo uu xag farsamo gacan ka siiyay heshiiska duullimaadyada.

Abuukar ninka dilay, ninna ma deynaayo. Waxaan hubaa ninkii dilay in uu Soomaali ka dilay nin aad u qiimo badan. Allow u naxariiso.


The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link