Saamaynta Amniga Badhtama Somaaliya iyo Socdaalka Madaxda Maamullada Baydhabo iyo Puntland ee Addis Ababa

Addis Ababa iyo Baydhaba (HAN) February 13, 2015– Weedhaha Diplomasiyada iyo iyo Socdaalka Madaxda Maamullada Baydhabo iyo Puntland ee Addis Ababa.
Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Shariif Xasan waxaa socdalka Addis Ababa ku waheliya wasiirka amniga Koonfur galbeed, Cabdi-fataax Ibraahim Geeseey iyo kan warfaafinta, Ugaas Xasan. Iyadoo safarkooda uu qaadan doono muddo afar casho ah, si loo kala warqaato. Tani waxay meesha ka saartay awoodii dawlada dhexe iyo xidhiidhka dalalka jaarka ah.

Safarka madaxweynaha Baydhabo ee Itoobiya wuxuu ku sheegay inuu dowladda Itoobiya kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriir dhinacyada ganacsiga iyo ammaanka oo si gaar ah u khuseeya maamulkiisa.

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed waxuu sheegay inay dowladda Itoobiya ka codsanayaan sidii ay u taageeri lahayd maamulkiisa cusub ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo dadaal ugu jira sida uu sheegay inuu Al-shabaab ka saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada uu ka kooban yahya maamulka Koonfur-Galbeed.

Magaalada Addis Abab waxaa ku sugan madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiweli Maxamed Cali,kaaso kulamo la qaadanaya madaxda sare ee Itoobiya.

Ciidanka Itoobiya wuxuu iskaashi dhow la yeelanaysay muddooyinkii dambe madaxda maamullada ka jira dalka, kuwaaso xilligaan ay muuqato si dhow inay Ethiopia ciidankeedu koor-meer ka yahay hawlaha amniga iyo rajada maamul-dhiska gobolada dhexe ee Soomaliyeed.


Geeska Afrika Online (1985 -2015) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 30 Years.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link