Dilka Sida Gaarka ah loola Beeg sanayo, Aqoonyahanda Dalka ku soo Noqda

Xamar (HAN) November 19, 2014 – Weedhaha diplomasiyada iyo saamaynta Amniga gobolka. Waxaan shaki lahayn in kooxo si gaara loogu tababa baray dilka aqoon yahanada Soomaalida ee Moqdishu ku soo noqonaya, ay dhex joogaan magaalada moqdishu.

Waxaa imikana muuqata, dilka bartil-maameedsan ee Eng Canshuur, oo ah, laf-dhabartii, dib u soo noolaynta billicda Magaalada Muqdishu.

Hadaba, Waxaa November 17keedii laba nin oo ku hubeysan bistoolado ay ku dileen magaalada Muqdisho , xaafadda Hodan, Eng Cabdullaahi Cali Canshuur oo ahaa Engineer muddo badan u soo Shaqeeyey xilal bandanna ka soo qabtay dowladda hoose ee muqdisho. Eng Anshoor oo ka mid ahaa Engineeradii ugu horreeyey ee ka qalin jabiyey jaamacadda umadda Soomaaliyeed qeybteeda Engineerinka. Kadib waxa uu ka shaqa billaabay dowladda hoose ee magaalada muqdisho, isagoo oo ku billaabay inuu jidad u sameeyo degmada Wardhiigley.

Eng. Canshuur wuxuu madax ka noqday waaxda dhul bixinta ee dowladda hoose ee muqdisho.


Eng Canshuur waxa uu takhasus u aaday dalka maraykanka ,jaamacadda University of California at Los Angeles ( UCLA) halkaas oo uu ku soo takhasusay Urban Planning , wuxuuna ahaa qofkii u horreeyey ee ku soo takhasusa maadadaan cusub. Kadib Waxa uu ku soo laabtay Muqdisho bartamihii siddeetamaadkii , halkaasoo loo dhiibay waaxda bullaacadaha ee dowladda hoose ee Muqdisho.

Horraantii waqtigii dagaalka sokeeye waxa uu ka caawiyey UNISOM sidii biyo loo siin lahaa magaalada Muqdisho.

Eng. Canshuur waxa uu ku noolaa, kana shaqeynayey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka illaa iyo waqti sanad ka hor ah oo uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho si uu u caawiyo duqa magaalada Muqdisho iyo hawl wadeennada ka socday dowladda Turkey ee dib u dhiska ka wada Magaalada Muqdisho. Muddadii Sanadka ahayd waxa uu Engineer Aanshoor caawinaad la taaban karo ka geystay dib u dhiska magaalada muqdisho.

Marxuumka Engineer Anshuur ayaa waxaa u dhaxday Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaan (Xaliimo Yarey) kana mid ah haweenka Soomaaliyeed ee sida aadka ah ugu dooda xuquuqda dumarka Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha dalladda ururada bulshada rayidka ah.

Waxa looga tacsideynayaa dhammaan xaaskiisa, carruurtiisa, reer Anshoor iyo qaraabadiisa geerida Marxuumka.Waxa ilaahey looga baryayaa inuu jannadii fardowsa ahayd ka waraabiyo. AAMIIN


The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


 

The latest updates Follow twitter.com/GeskaAfrika

Geeska Afrika Online (1985 -2014) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 20 Years.

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2014), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link