Ujeedada Weedha Danjire Nicholas Kay oo Dhirbaaxo ku ah Nidaamka Diplomasiyada

Mogadishu (HAN) November 05, 2014Weedhaha diplomasiyada iyo saamaynta Amniga gobolka. Wakiilka QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa qoraal cadho kujirto oo uu soo saaray  ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada siyaasadeed ee u dhexeeysa madaxda dalka, kaasoo uu ku tilmaamay inay khatar weyn ku tahay dadaalka dalku ugu jiro inuu gaaro ujeeddooyinka siyaasadeed ee muhiimka ah ah ee himmilada doorashooyinka 2016-ka.

Weedha koowaad Nicholas Kay waa Cabsi gallin, madaxda dalka, bal akhri:

Xasillooni-darro siyaasadeed lagu wargelin doono Golaha Amaanka ee QM, isagoo intaas ku daray in khilaafkan uu khatar ku yahay horumarka dalka, sidoo kalena uu carqaladeyn karo mustaqbalka hirgelinta barnaamijka aragtida sannadka 2016-ka.

Weedha labaad: Waxay muujinaysaa in Shirarka khilaafka madaxda Somalida lagu-wareejiyo Kenya iyo Ethiopia, bal u fiirso:

Hadalka Nicholas Kay ayaa muujinaya inuu lug ku leeyahay xoggag dibada ah oo dan-wayn ka leh, Khilaafka Madaxda Dawlada. bal Akhri oo aad u dhuux hadalkiisa, waakan:

Nicholas Kay ayaa yiri. “Waxaan marka kasta diyaar la ahay inaan dadaalkayga dhexdhexaadin ku bixiyo si aan u raadino xal wadajir ah; waxaan si dhow ula shaqaynaynaa howlgalka Midowga Afrika ee Somalia, Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwo kale oo badan, annagoo baadi-goob ugu jirta xal khilaafkan loo helo,” ayuu raaciyay.

Weedha sadexaad, waxay muujinaysaa, in Jug-jig meeshaada joog ay ahaato, siyaasada Somalidu oo aan xal-degdega lahelin, bal akhri, hadana:

. “Waxaa ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada uu khilaafka u dhexeeyo inay raadiyaan xal meel-dhexaad ah oo labada dhinacba raalli-geliya oo u ogolaada horumarka uu dalku ka gaaray dhanka siyaasadda iyo amnigaba inuu sii socdo hakasho la’aan.”

Jawaabta Madaxwaynaha Somaliya, ayaa noqotay weedh lama-filaan ku ah, diplomasiyada Somalida maanta, oo horey u ahaan jirtay, mid cabsi badan:

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Somalia Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.


 

The Geeska Afrika Online is Free government-funded. HAN (Horn of Africa newsline) shapes its editorial policy free from political and commercial influence.


 

The latest updates Follow twitter.com/GeskaAfrika

Geeska Afrika Online (1985 -2014) – The International Gateway news and views about the Horn of Africa (Ethiopia, Eritrea, Somalia, Somaliland, Sudan, South Sudan, Djibouti, Kenya and Uganda), the best IGAD news and information Online Site for the last 20 Years.

HAN & Geeska Afrika Online (1985-2014), the oldest free independent Free Press in the region, brings together top journalists from across the Horn of Africa. Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@geeskaafrika.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

css.php
Share via
Copy link